HomeWararMaxkamadda Sare ee Kenya oo xayiraadda ka qaaday Hay’addo Islaami oo lala...

Maxkamadda Sare ee Kenya oo xayiraadda ka qaaday Hay’addo Islaami oo lala xiriirinayey Alshabaab

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Garsoore Anyara Emukhule oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee Kenya ee ku taalla magaalladda Mombasa ayaa amray in xayiraadda laga qaado Labo Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab. Garsooruhu waxa uu sheegay inaan la haynin caddaymo muujinaya inaysan  Hay’addaha  HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) wax xiriir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garsoore Anyara Emukhule oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee Kenya ee ku taalla magaalladda Mombasa ayaa amray in xayiraadda laga qaado Labo Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab.

Garsooruhu waxa uu sheegay inaan la haynin caddaymo muujinaya inaysan  Hay’addaha  HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) wax xiriir ah la lahayn Alshabaab.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Kenya ku guul-daraysatay inay krrnssn sababo macquul ah oo lagu xayirayo Lacagaha Xisaabaadka Bangiyadda ee Labadaa Hay’adood, wuxuuna amray Bangiyadda inay dib u furan Xisaab-lacageedyada Labada Hay’adood.

Hay’addaha HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) waxa Dhaqdhaqooda Hawleed la xayiray bishii April ee sannadkan, kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148 qof oo u badnaa Arday.

Xilligaasi waxay Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay 85 Ganacsade, Bangiyo iyo Xawaaladaha Soomaalida ka hawlgala gudaha Kenya, kuwaasi oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’adda HAKI waxay soo dhaweeyeen Go’aanka Maxkamadda Sare Kenya kuna tilmaameen guul u soo hooyatay Dastuurka iyo dadka Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts