HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo xilliga u kordhiyey Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka...

Golaha Ammaanka ee QM oo xilliga u kordhiyey Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

EU FORCES IN SOMALI WATERS

Golaha Ammaanka ee QM ayaa muddo hal sanno ugu kordhiyey Xilli-hawleedka Ciiddanka Badda ee ku sugan Xeebaha Somalia, kuwaasi oo dagaal kula jira Burcad-baddeeda qowleysan jirtey Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.

Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay inkastoo la yareeyey Falalkii Afduubka ee Burcad-baddeeda, haddana waxaa weli taagan Walaac ku aadan inay dib u soo laba kacleeyaan.

15-ka xubnood ee Rigliga ku ah Golaha Ammaanka ee QM waxay hoosta ka xariiqeen inay Hawlgalkaasi door wanaagsan ka qaataan Maraakiibta Urur-gobaleedyadda, sida Ciiddanka Badda ee Midowga Europe “The European Union Naval Force (EUNAVFOR) iyo kuwa Isbahaysiga The North Atlantic Treaty Organization Operation (NATO).

Goluhu waxay ugu baaqeen Dowladaha iyo Urur-gobaleedyadda inay Maraakiib dagaal, hub iyo Diyaaradaha Milliteriga iyo Taageero Loojistiko ka geystaan Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Golaha waxay Qaraarkooda ku muujiyeen in Mas’uuliyadda Koowaad ay hortaalo Somalia oo ah Waddan ay colaado ka socdaan muddo 25-sanno, waa sida lagu xusay Qaraarkaasi.

Dhinaca kale, Goluhu waxa uu ku eedeeyey Burcad-baddeeda inay Lacago badan ku hurin karaan Dembiyo kale oo dheeraad ah iyo Musuqmaasaqa.

Golaha Ammaanka ee QM waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin Awoodda xadidan ee Dhinaca Sharciga iyo Dacwadaha ka dhanka ah, iyagoo sheegay inay mararka qaarkood taasi horseedo in la iska sii daayo Burcad-baddeeda iyadoo aan la hor-geynin Caddaaladda.

Tan iyo markii ay Golaha Ammaanka ee QM ansixiyeen Faragelinta Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee Xeebaha Somalia sannadkii 2009-dii, waxaa yaraaday Falalkii Burcad-baddeeda ku qafaalan jireen Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska ee isaga kala goosha Badda Somalia iyo Caalamka kale.

Radio Dalsan

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories