HomeWararKanada oo ka laabatay qorshe lagu soo masaafurin lahaa Muwaadin Soomaali ah

Kanada oo ka laabatay qorshe lagu soo masaafurin lahaa Muwaadin Soomaali ah

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Salah Awil Abdullahi oo 26-jir ah ayaa ka badbaaday qorshe looga soo tarxiili lahaa dalka Kanada, kadib, markii la sheegay inay noloshiisa khatar geli karto haddii lagu celiyo dalkiisa hooyo. Maxkamadda Federalka ee dalka Kanada ayaa ku gacan-sayrtay qorshaha lagu soo masaafurin lahaa ninkaasi oo ay Boliska Kanada u aqoonsan yihiin nin taariikh dheer ku […]

- Advertisement -

Salah Awil Abdullahi oo 26-jir ah ayaa ka badbaaday qorshe looga soo tarxiili lahaa dalka Kanada, kadib, markii la sheegay inay noloshiisa khatar geli karto haddii lagu celiyo dalkiisa hooyo.

Maxkamadda Federalka ee dalka Kanada ayaa ku gacan-sayrtay qorshaha lagu soo masaafurin lahaa ninkaasi oo ay Boliska Kanada u aqoonsan yihiin nin taariikh dheer ku leh Dembiyadda.
Ninkaasi oo sannadkii 2005-tii tegay Kanada, kuna nool magaalladda Metro Vancouver ayaa waxaa lagala noqday Deganaanshaha dalka Kanada, kadib, markii uu noqday Dembiile aan u hoggansamin Sharuucda dalkaasi.

- Advertisement -

Garsoore Russel Zinn ayaa ka digay in la masaafuriyo Salah Awil Abdullahi, oo uu tilmaamay inuusan Qoys iyo Ehel ku lahayn Somalia, isla markaana xitaa uusan la xiriirin Aabihiisa oo ku nool Somalia.

“Aabihiisa waxa uu ku nool yahay gudaha Somalia, laakiin wax xiriir ah lama samaynin tan iyo sannadkii 2007-dii, mana yaqaano halka ay Aabihiisa, Adeeradiisa iyo Habar-yaraashiisa kaga nool yihiin Somalia” ayuu yiri Garsoore Russsel Zinn.

Eedeysanaha oo ah Dareewal kaxeeya Wiishka nooca “Forklift”-ga ee ka dhex shaqeeya Dekeddaha  ayaa la sheegay inuu yahay Nin aad u caba Khamriga, isla markaana dhaawac ka qaba maskaxda, kadib, markii uu jug siiyey Bas bishii September ee sannadkii 2013-kii.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Garsoore Russel Zinn  waxa uu ka digay haddii Salah Awil Abdullahi dib loogu celiyo Somalia inuu khatar ugu jiro in loo dilo isaga oo ah  nin gaal oo reer Galbeed ah, waa sida uu hadalka u dhigay Garsoorahaasi.

Xigasho: Vancouver Sun

© Radio Dalsan

Latest stories