HomeWararMadaxweyne Hassan Sheekh oo lagu casuumay Shirweyne Caalami oo ka dhici doona...

Madaxweyne Hassan Sheekh oo lagu casuumay Shirweyne Caalami oo ka dhici doona Jesiiradda Malta

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

In ka badan 4,000 o oqof oo ay ku jiraan Hoggaamiyayaal sare oo Caalamka ayaa la rajeynayaa inay ka soo qeyb galaan Shirweynaha soo socda ee ay Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe kaga hadli doonaan Tahriibka, kaasi oo la filayo inuu bishan 11-da ilaa 12-da ka dhaco caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta.

Ku-dhawaad 43 Madax dowladeed oo ay ku jiraan 26 ka socota Dowladaha Midowga Europe ayaa la xaqiijiyey inay ka soo geyb-geli doonaan Shirkaas iyo Kulanka kale ee Dowladaha xubnaha ka ah Barwaaqa-sooranka  “ The Commonwealth Heads of Government Meeting”.

Golaha Ururka Midowga Europe “The EU Council” oo Shirarkaasi qabanqaabinayo waxay ku casuumeen 9 Hoggaamiye Afrikaan oo xubin ka ahaa Shirkii Khartoum Process, waxayna kala yihiin Madaxweynayayaasha Somalia, Djibouti, Kenya, Masar, Sudan, Koonfurta Sudan, Ethiopia, Tunisia iyo Eritrea.

Sidoo kale, waxaa lagu casuumat 25 Hoggaamiyayaasha Dowladaha ee xubin ka ah Shirkii The Rabat Process.

Shirka ka furmi doona Jesiiradda Malta ayaa loogu magac-daray Baraarugii Xiisadda Muhaajiriinta ee sannadkan garaacday Qaaradda Europe.

ShirweynahaThe Valletta Summit oo  lagu qaban doonaa Xarunta Shirarka ee Mediterranean Conference Centre. Waxaa kaloo lagu casuumay 2,000 oo Weriyayaal.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories