HomeWararDagaalyahanno Alshabaab oo lagu qabtay dalka Koonfurta Suudaan

Dagaalyahanno Alshabaab oo lagu qabtay dalka Koonfurta Suudaan

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda ee  Koonfurta Sudan ayaa sheegay inay Ciiddanka Ammaanka gacanta ku dhigeen 76 Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab. Wasiirka oo lagu magacaabo Martin Elias Lomuro ayaa Weriyayaasha ugu sheegay caasimadda dalkaasi ee Jubba inay Ciiddanka ilaalo iyo dabagal ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu qabtay Waqooyiga Gobalka Baxar Al-qasaal. Waxa uu intaasi […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda ee  Koonfurta Sudan ayaa sheegay inay Ciiddanka Ammaanka gacanta ku dhigeen 76 Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Wasiirka oo lagu magacaabo Martin Elias Lomuro ayaa Weriyayaasha ugu sheegay caasimadda dalkaasi ee Jubba inay Ciiddanka ilaalo iyo dabagal ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu qabtay Waqooyiga Gobalka Baxar Al-qasaal.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha doonayeen Waqooyiga Gobalkaasi kaga si itallaabaan Xuduudka dalka Sudan.

Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda ee ee Koonfurta Sudan, Martin Elias Lomuro waxa uu sheegay inay Dagaalamayaasha Islaamiyiinta u adeegsadaan dalkiisa meel ay kaga sii gudbaan dalka Sudan, si ay u gaaraan Bariga Dhexe.

Dhinaca kale, Qabashadaasi la sheegay ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi dhawaan shaacisay inay xubno ka tirsan Xarakadda Alshabaab iyo Kooxo kale oo Islaamiyiin ah ku sugan yihiin dalkiisa.

- Advertisement -

Waana  markii ugu horreysay oo ay Dowladda South Sudan ku dhawaaqay inay dalkeeda ku sugan yihiin Dagaalyahanno ka yimid dalalka Somalia  iyo kuwo kale oo ka kala yimid qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo Sheegashadaasi, iyadoo inta badan  dadka Soomaalida ay socod Tahriib ah ku sii dhex maraan dalalka Sudan iyo  Koonfurta Sudan marka ay ku sii jeedaan dalka Libya.

Latest stories