HomeWararBoqorka Sacuudiga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan ku yeelan doona Riyaad

Boqorka Sacuudiga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan ku yeelan doona Riyaad

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federalka, Hassan Sheikh Mohamoud ayaa lagu wadaa inay  maanta u ambabaxaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad,  iyagoo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud. Wafdiga Madaxweynaha ku wehlinayo Socdaalkaasi ayaa waxaa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyadda iyo Warfaafinta iyo Madax kale. Wargeyska The Arab […]

- Advertisement -

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federalka, Hassan Sheikh Mohamoud ayaa lagu wadaa inay  maanta u ambabaxaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad,  iyagoo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehlinayo Socdaalkaasi ayaa waxaa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyadda iyo Warfaafinta iyo Madax kale.

- Advertisement -

Wargeyska The Arab News ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Boqor Salman iyo Madaxweynaha Somalia ka wada hadli doonaan Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, La-dagaalanka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee Yemen iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, Ammaanka Gobalka iyo in laga shaqeeyo Xoojinta Wada-shaqeynta ee Dunida Carabta.

Ilo dhinac Diplomaasiyadda ayaa waxay sheegayaan inuu Madaxweyne Hassan Sheikh ka codsanayo Boqorka Sacuudiga inuu Taageero Dhaqaale oo cusub siiyo Dowladda Federalka iyo in ay Somalia laga taageero Diplomaasiyadda Caalamka.

Kulanka Labada Hoggaamiye ayaa qeyb ka ah Qorshaha cusub ee Siyaasadda Dowladda Sacuudiga, si ay Dowladaha deriska isaga kaashadaan Ammaanka Badda Cas, Ka-hortaga Hubka u gudba Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo inaysan Dowladda Iiraan saamayn ku yeelanin Mandiqadda.

- Advertisement -

Toddobaadkii hore, Boqorka dalka Sacuudiga, waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti, ismail Omar Gelle oo ay ka wada hadleen Istaraatijiyadda cusub ee Ammaanka Mandiqadda, La-dagaalanka Argagixisadda, Tahriibka iyo in hub loo gudbiyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka dagalaanta qeybo ka mid ah Yemen.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, ayaa isagana la filayaa inuu dhawaan booqdo Sacuudiga, si uu Madaxda dalkaasi kala arrinsado qorshaha cusub ee Sacuudiga ee Iskaashiga Ammaanka Gobalka.

Latest stories