HomeWararMuwaadin Somali British ka tirsanaa Kooxda Daacish oo isku qarxiyey dalka Iraq

Muwaadin Somali British ka tirsanaa Kooxda Daacish oo isku qarxiyey dalka Iraq

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

War Saxaafadeed ay Kooxda Daacish soo saareen Bilowgii Toddobaadkan ayey ku sheegeen in Muwaadin Somal-British la oran jirey Abu Omar Al-biritaani uu qeyb ka qaatay Is-qarxintii Mataanaha ee ka dhacday  Degmadda Ramaadi ee dalka Iraq. Wargeyska The daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta iyo Sawirka Muwaadinkaasi oo uu […]

- Advertisement -

War Saxaafadeed ay Kooxda Daacish soo saareen Bilowgii Toddobaadkan ayey ku sheegeen in Muwaadin Somal-British la oran jirey Abu Omar Al-biritaani uu qeyb ka qaatay Is-qarxintii Mataanaha ee ka dhacday  Degmadda Ramaadi ee dalka Iraq.

Wargeyska The daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta iyo Sawirka Muwaadinkaasi oo uu wehliyey Nin u dhashay dalka Tunisia oo isaga qeyb ka ahaa Is-qarxinta ka dhacday Degmadda Ramaadi ee dalka Iraq, oo lagu dilay, laguna dhaawacay 80-qof.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dagaalyahan Somali oo inta badan ku noolaa dalalka Britain iyo Sweden ayaa ku tilmaamay Abu Omar Al-biritaani inuu ahaa Saaxiibkiisa ugu wanaagsan.

Abu Omar Al-biritaani  waxay Waalidkiisa ka soo kala jeedaan  Somali iyo Yemani.

Si kasta ha ahaatee, Abu Omar Al-britaani ayaa ah Muwaadinkii Labaad ee British ee ka tirsan Kooxda Daaqcish oo sannadkan isku qarxiyey dalka Iraq.

- Advertisement -

Xigasho:- Dail MailAbu Khalid al-Britani 1 Abu Khalid al-Britani 2

Latest stories