HomeWararKenyan lala xiriirinayo Alshabaab oo qaar damiin lagu sii daayey, kuwana lagu...

Kenyan lala xiriirinayo Alshabaab oo qaar damiin lagu sii daayey, kuwana lagu hayo Xabsiga

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa la soo taagay 6 qof oo 4 ka mid haween yihiin, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ka tirsan Xarakadda  Alshabaab.

Garsooraha Maxkamadda Sare ee Mombasa waxa uu amray in Damiin Lacageed lagu sii daayo 4 Haween oo u kala dhalatay Kenya iyo Tanzanina, kuwaasi oo la sheegay inay u dhaxaan Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

- Advertisement -

Haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Umul-kheyr Sadri Abdalla, Khadija Abukar Abdulkadir, Maryan Saciid Cabuud iyo Haliima Aadan  ayaa waxaa midiiba lagu sii daayey Lacag damiin ah oo dhan 500,000 oo Shillinka Kenya.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Mombasa, waxa la soo taagay  Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Luqman Khatib iyo Sawaleh Mubaarak oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo dilal ka dhacay Mombasa.

Garsooruhu waxa uu amray in Eedeysanayaasha muddo 10-maalmood lagu sii hayo Saldhiga Boliska ee Port Police Station ee Mombasa, si ay Baarayaasha u soo dhamaystiraan Gal-dacwadeedkooda

- Advertisement -

© Radio Dalsan

 

MOMBASA 2

Latest stories