HomeWararCanshuurihii laga qaadi jirey Ganacsatadda Suuqyadda oo la mamnuucay.

Canshuurihii laga qaadi jirey Ganacsatadda Suuqyadda oo la mamnuucay.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa. Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaalada amaan xumo ee dalka ka jirtay […]

- Advertisement -

Iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaalada amaan xumo ee dalka ka jirtay mudada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganacsatada suuqyada ayaa wasaaradu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay 2014-kii iney bixiyaan ganacsatadu khidmad 20 doolar ah.

- Advertisement -

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa  gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaradu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.

Ugu danbayntii Wareegtada aya lagu xusay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay gacan buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aadan kor u qaadida sidii loo ururin lahaa canshuuraha

- Advertisement -

© Radio Dalsan

 

 

 

Latest stories