HomeWararMuwaadin Somali Maraykan lagu dilay Minneapolis

Muwaadin Somali Maraykan lagu dilay Minneapolis

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Saraakiisha FBI-da Maraykankaee magaalladda Minneapolis ayaa la sheegay inay baadi-goobayaan Gacan-ku-dhiiglihii dilay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabi jirey Abdi Haji Mohamed Liban. Marxuumka la dilay ayaa ls sheegay inuu sumcad ku dhex lahaa  Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobalka Minnesota Saraakiisha Boliska iyo Madaxda Jaalliyadda Soomaalidda deggan magaalladda Minneapolis waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha FBI-da Maraykankaee magaalladda Minneapolis ayaa la sheegay inay baadi-goobayaan Gacan-ku-dhiiglihii dilay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabi jirey Abdi Haji Mohamed Liban.

Marxuumka la dilay ayaa ls sheegay inuu sumcad ku dhex lahaa  Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka, gaar ahaan Gobalka Minnesota

- Advertisement -

Saraakiisha Boliska iyo Madaxda Jaalliyadda Soomaalidda deggan magaalladda Minneapolis waxay dadka ugu baaqeen inay is-dejiyaan, lana soo qaban doono Gacan-ku-dhiiglaha dilay Marxuumkasi  oo caan ka dhex ahaa Jaalliyadda Soomaaliyeed.

Kormeere Todd Loining oo ka tirsan Boliska Minneapolis ayaa sheegay inuu dilkaasi ahaa kii labaad oo 36-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalladaasi.

Marxuumka la dilay  Abdi Haji Mohamed Liban.  ayaa la sheegay inuu ahaa Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo u shaqeeya Shirkad lagu magacaabo Horn Towers.

- Advertisement -

Siraad Siyaad oo uu adeer ahaa Marxuumka la dilay ayaa sheegtay inuu Adeerkeeda muddo 14 sanno ka ahaa Ilaaliye u shaqeeya Dowlad-gobaleedka Minnesota, isla maarkaana aysan jirin cid uu horey u dhibaateyey.

Hoggaamiyaha Jaalliyadda Soomaalida ee Minneapolis, Jibril Afyare ayaa ugu baaqay Mujtamaca Soomaalida inay gacan ka geystaan dadka ka dambeeya dilalkaasi.

Dhinaca kale, Baarayaasha FBI-da ayaa rumeysan inay Gacan-ku-dhiiglaha geystay toogashadda is-yaqaaneen Marxuum Abdi Haji Mohamed Liban.

Dilkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa kii 40-aad oo sannadkan lsgu dilay magaalladda Minneapolis.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts