HomeWararGaryaqaan laga codsaday inuu u dacwoodo Haweeney Somali laga soo masaafuriyey Australia.

Garyaqaan laga codsaday inuu u dacwoodo Haweeney Somali laga soo masaafuriyey Australia.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dembi-baaraha Madaxa-bannaan ee Xukuumadda ka dhisan Jesiiradda Nauru ayaa laga codsaday inuu gacan dhinaca Sharciga siiyo Haweeneydaasi oo Jimcihii hore laga soo masaafuriyey dalka Australia. Jesiiradaasi oo ku taalla meel ka baxsan ayaa waxa ku yaalla Xarun lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ah ee ku sii jeeda dalka Australia. Afhayeenadda Dhaqdhaqaaqa Cagaaran ee Muhaajiriinta ee dalka […]

- Advertisement -

Dembi-baaraha Madaxa-bannaan ee Xukuumadda ka dhisan Jesiiradda Nauru ayaa laga codsaday inuu gacan dhinaca Sharciga siiyo Haweeneydaasi oo Jimcihii hore laga soo masaafuriyey dalka Australia.

Jesiiradaasi oo ku taalla meel ka baxsan ayaa waxa ku yaalla Xarun lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ah ee ku sii jeeda dalka Australia.

- Advertisement -

Afhayeenadda Dhaqdhaqaaqa Cagaaran ee Muhaajiriinta ee dalka Australia, Sarah Hanson-Young ayaa maanta  ku dhawaaqday inay ka codsadeen Dembi-baarahaasi oo lagu magacaabo  Phillip Moss inuu taageero dhinaca Sharciga u fidiyo  Abyan.

Afhayeenadda waxay kaloo sheegtay inay Abyan xilligan u baahan tahay Kaalmo, maadaama ay Dowladda Australia ka gaabisay Taageerida Haweneydaasi.

Dowladda Australia ayaa horey u oggolaatay inay Abyan timaado Australia si ay Dhakhaatiirta ugu sameeyaan Hawlgal looga soo xaaqayo Uurkaas, ayaa waxay Dowladda Australia si qarsoodi ah Abyan dib ugu celiyeen Jasiiraddii lagu kufsaday.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dadweynaha ku dhaqan dalka Australia waxay badankooda ka caroodeen go’aankii ay Xukuumadda Australia ku masaafurisay Abyan, waxayna dibadbaxyo badan ka dhaceen qaar ka mid ah Magaallooyinka waa weyn ee dalkaasi.

© Radio Dalsan

 

Latest stories