HomeWararXiddigaha Geeska: Taliye Caadi Iska Dhig

Xiddigaha Geeska: Taliye Caadi Iska Dhig

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Xarig fannaan kuma cusba Soomaalida. Hadraawi iyo Cabdi-Qays ayaa nool. Cabdulle Raage ayaa na soo maray. Liisku waa dheer yahay. Sida maanta oo kale, waxaa berigaa jiray dad ku ra’yi ah madaxda ama dano ay ku haysteen dartood, iyaga oo aan loo dirsan is xilqaama oo isku dayi jiray in ay u qiil dayaan xarigga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xarig fannaan kuma cusba Soomaalida. Hadraawi iyo Cabdi-Qays ayaa nool. Cabdulle Raage ayaa na soo maray. Liisku waa dheer yahay.

Sida maanta oo kale, waxaa berigaa jiray dad ku ra’yi ah madaxda ama dano ay ku haysteen dartood, iyaga oo aan loo dirsan is xilqaama oo isku dayi jiray in ay u qiil dayaan xarigga fannaanka. Weliba berigaas fannaaniinta la xiro waxay ahaayeen kuwa isku daya in ay dadka u sheegaan ama ay tusaan wax aanay Madaxdu dooneyn in uu shacabku ogaado ama uu arko.

- Advertisement -

Rajadu waxay ahayd in nidaamkii militeri ee lala dagaallamay ay la dhammaadaan cabburinta, xad gudubka xorriyadda shakhsiga iyo isku dayga Madaxda oo ahaa in loo nacamleeyo iyada oo aan su’aal la weydiin oo xataa aan la fekerin.

Madaxdii berigaas waxay doonayeen in haddii ay yiraahdaan dhaqaaqa, ay bulshada oo dhami mar qura u dhaqaaqdo dhanka farta loogu fiiqay oo ay welibana isla hesho laafyaha.

Toddobaadkii ciidda waxyaabaha ay dhallinyarada Muqdisho iyo dhexmeerayaasha saxaafadda bulshadu ay aad u hadal hayeen, la xiiseynayay, anigana i soo jiitay waxaa ka mid ah Barnaamij faneedka Xiddigaha Geeska oo aad looga jecel yahay Muqdisho.

- Advertisement -

Waan dhibsaday in Xiddigaha lagu xiray Hargeysa iyada oo dembi looga dhigay Nairobi ayaa la idiin fasaxay ee Muqdisho la idiinma fasixin.

Fannaan anigu waxaan u aqaan in uu yahay Biri-ma-geydo.  Sidaa darteed ayaan keligeey fekeray. Waxaan qiyaasay su’aalaha uu sarkaalka Booliska Soomaaliland ee “dembiga” baarayaa uu weydiin karo marka uu mid mid u wareysto Xiddigaha xiran. Ka dibna waxaan mala awaalay jawaabaha uu fanaan kastaa ka bixin karo su’aasha la weydiiyo.

Maxaad Muqdisho u tagtay?

Taageerayaasheeyda, oo ay ka mid yihiin qaar badan oo reer Somaliland ah, ayaa Muqdisho jooga oo aan booqday. Magaceyga iyo horumarka fankeyga ayaana ku xiran in marka aan awoodo ama la iga casuumo aan tago meel kasta oo la iga dhegeysto, taas oo ah meel kasta oo ay Soomaali deggan tahay.

Yaa kuu fasaxay Muqdisho?

Horta xor ayaan u ahay dhaqdhaqaaqeyga. Midda kale, keligey ma aha ee haasaawe doonka, lammaanayaasha, ardayda, xoogsatada, shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, wadaaddada, ganacsatada, diblomaasiyiinta iyo xataa siyaasiyiinta hoose intuba wey isu socdaan. Anigu waxa keliya oo aan uga duwan ahay waa in aan intaas ka wada caansan ahay oo ay saxaafaddu aad uga hadashay socdaalkeyga.

Miyaanad ogeyn in aan ka goosannay Soomaaliya?

Fanku soohdin ma leh. Hargeysaba Magool iyo Maryan Mursal waa laga dhegeystaa.

Calanka Soomaaliya maxaa kuu geeyay?

Hadba taageerayaasheyda aan markaas u heesayo astaanta ay leeyihiin ma khilaafo. Fannaaniinta caalamku haddayba astaan qaadanayaan waxay qaataan midda waddanka ama magaalada ay ka tumayaan ay leedahay. Fanka jilidda ayay ka mid tahay. Aniguna fannaan ayaan ahay ee caadi iska dhig Taliye.

Ma og tahay in aad wiiqday jiritaanka iyo sumcadda Somaliland?

Xaqiiqadu waa taa cagsigeed. Muqdisho oo dhan waa laga ogaa in aan ka nimid Somaliland. Si wanaagsan ayaa naloo soo dhoweeyay. Si wanaagsanna ayaa looga soo qeyb galay barnaamij faneedka aan dhignay. Farxaddii la innagu soo dhoweeyay tu la mid ah ayaa la innagu soo sagootiyay. Taas ayaana sharaf u ah Somaliland ee adigu hadda sumcadda ha ka xumeyn.

Xigasho: Yuusuf Garaad

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts