HomeWararFanaaniin ka Tirsan Kooxda Xidigaha oo weli ku xiran Hargeysa

Fanaaniin ka Tirsan Kooxda Xidigaha oo weli ku xiran Hargeysa

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Afar Fanaan oo ka tirsan Kooxda Xidigaha Geeska ayaa weli ku xiran Maalintii Labaad Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa Ee Maamulka Somaliland.

Fanaaniinta Xiran ayaa kala ah:-Nimcaan Hilaac,Xamda Queen,Cabdiraxman Oday iyo Maxamed Bakaal Ciro.

Ciidanka Somaliland ayaa shalay ka xiray Hoboladan Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport kadib markii ay ka laabten Magaalada Muqdisho oo ay ku qabten Bandhig Faneyd Heersare ahaa Habeenkii Ciidda Ee Dhamaadkii Toddobaadkii hore.

Somaliland ayaa ku eedeyneysa Hoboladan iney ku xad gudben Sharci u  degsan Maamulkooda,Sharcigas oo sheegaya in Fanaaniin u diiwan gishan Wasaarada Warfaafinta Somaliland aysan tagi karin Soomaaliya.

Kooxda Xidiga Geeska oo ay ka tirsan yihiin Hobolada la xiray ayaa sheegeysa in Fanaaniinta aysan mushaar ka helin Wasaarada Warfaafinta sidas awgeydna aysan ka tirsaneyn Sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Kooxda Xasan Dhuxul Laabsalaax.

Fanaaniin badan oo ay ku jiran kuwa ku nool Waqooyga Ameerika ayaa  cambaareeyay Go’aanka Somaliland ay ku xirtay Hoboladasi iyaga oo ku doodaya in Fanaaniinta aysan la heyn xuduud ka celisa Deegaanada ay Soomaalida degto.

Warar kale ayaa sheegaya in Somaliland laga yaabo iney Maxkamad la tiigsato Hoboladan oo iyagana shaaciyay in Muqdisho,Hargeysa iyo Jigjigaba ay isugu mid yihiin.

W/Q Xuseen Maxamed

Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories