HomeWararFAALLO: Sidee lagu xalin karaa Mustawaha iyo Mansabka Madaxda Dowladda...

FAALLO: Sidee lagu xalin karaa Mustawaha iyo Mansabka Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda ?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Isku-dhex-yaaca Habraaca Siyaasadda Somalia ayaa la oran karaa waxa uu asas qaldan u noqday Xaalladaha iminka ka taagan dalkeenna, waxaana adkaan doonta in sax dhamaystiran laga gaaro sannooyinka soo socda. Waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Siyaasiyiinta doonayaan in iyaga looga dambeeyo Hayinka Siyaasadda iyo Xilalka ay ka hayaan Qaranka ama Goballadda. Eray-bixinta la siyaasadeynayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Isku-dhex-yaaca Habraaca Siyaasadda Somalia ayaa la oran karaa waxa uu asas qaldan u noqday Xaalladaha iminka ka taagan dalkeenna, waxaana adkaan doonta in sax dhamaystiran laga gaaro sannooyinka soo socda.

Waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Siyaasiyiinta doonayaan in iyaga looga dambeeyo Hayinka Siyaasadda iyo Xilalka ay ka hayaan Qaranka ama Goballadda.

- Advertisement -

Eray-bixinta la siyaasadeynayo ayaana noqon karta caqabad kale iyo Loolan cusub oo Siyaasadeed, waayo Hoggaamiyayaasha Goballadda wey ku adag tahay in ay  ku raad-joogaan ama qiimeeyaan Haykalka Maamulka iyo Darajooyinka loogu yeeri karo.

Dadka Waayo-u-jooga ayaana loo baahan yahay in laga tusaale-qaato, marka laga hadlo Qiimeynta Guud ee Xilalka min Heer Qaran ilaa Gobal.

Istaraatijiyadda Nidaamka Federalka ee ku cusub Meerto-nololeeda iyo Maamul-dowladeedka Ummaddeenna ayaana loo aaneyaa Kala-jiidasha Xilalka, Magac-bixinta iyo Turjumidda Qoddobadda Axdi-qaraeedka.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta ayaana looga bartay Doodaha iyo Xarig Jiidka Fasiradda caynba caynka ah ee ku soo biyo shubanta Hal-ku-dhegga Soomaalida ee “Hadal waa Mergiyo kale, hadba meel u jiidmee”.

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee Eray-bixinta Nidaamka Dowliga loogu yeero Guddoomiyaha Maamul-gobaleedkaasi ayaa waxa uu haatan noqday mid aan u cuntami Karin Siyaasiyiinta majaraha u haysa Maamulladaaasi.

Darajadda Xilalka Heerka Qaranka iyo kuwa Goballadda ayaana aad isugu dhow, waxaana loo baahan yahay in la sameeyo Sixitaanka Mansabyadda iyo Mustawaha Madaxda jecel inay isku garbiyaan Masraxa Siyaasadda ee dalka.

Waxay jecel yihiin, iskuna magacaabaan Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka, halka Caalami ahaan loogu yeero Guddoomiyaha Maamul-gobaleedka.

Waa xaallad aad u calawsan, waxaana uu isku dhex yaac ka jiraa Magac-bixinta Heerka Qaranka iyo midda Heerka Gobal, iyadoo ay dalka ka dhisan yihiin ama ka dhismayaan Maamul-gobaleed oo ay ku mideysan yihiin Beelaha isku deggaanka ah

Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Prof. Mohamed Sh. Osman “Jawaari” ayaa ka shanqariyey Calawsanaanta ka jirta  Eray-bixinta Xilalka Maamulladda ka dhismayo Goballadda.

Prof. Jawaari oo shalay ka qeyb galay Shirka Wada-tashiga ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG ayaa caddeeyey inaysan sax ahayn  Eray-bixinta Dowlad-gobaleedyadda.

Mar wax laga weydiiyey Dowlad-gobaleedyadda dhismayo ayaa waxa uu gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in Maamulladda ay Siyaasiyiinta ka dhisteen Goballadda loogu yeeri karo Maamul-gobaleedyo.

Guddoomiyaha BFS, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Federalka, oo aad isaga ilaalinayey inuu hadalkiisa abuuro Isku-dhac Siyaasadeed ayaa sheegay inay Dowlad-gobaleed loo aqoonsan yahay oo keliya Punland oo uu tilmaamay inuu Dhismaheeda ka horreeyey Dowladda Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Sidee lagu xalin karaa Mustawaha iyo Mansabka Madaxda  Dowladda Federalka iyo  kuwa Maamul-gobaleedyadda ?

© Radio Dalsan

jawaari 2222

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts