HomeWararQaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK)...

Qaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) oo Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ugu hambalyeeyay doorashada Madaxtinimada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba (IJA). “Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu hambalyeeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba (IJA).

“Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu hambalyeeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba. Waxaan bogaadinaynaa sida Mudane Madoobe ay uga go’antahay inuu si dhab ah ula shaqeeyo guddigii uu dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke si xal loogu helo qaab dhismeedka Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Ku-Meelgarka ee Jubba waxaana ku dhiirrigelinaynaa (Mudane Madoobe) in arrintan sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyo iyadoo loo marayo qaab loo wada dhanyahay.

- Advertisement -

 

Waxaan soo dhoweynaynaa taageerada uu Mudane Madoobe u muujiyay natiijadii ka soo baxday (shirkii) Madasha Wadatashiga Heerka Sare iyo weliba Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015).

 

- Advertisement -

Waxaan ku dhiirigelinaynaa Mudane Madoobe, Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba iyo Dowladda Federaalka inay si dhow ula shaqeeyaan Soomaalida inteeda kale ee ay arritu khusayso si wadahadal wax dhisaya looga yeesho hanaanka maamul dhisidda iyo hanaanka doorasho ee 2016.

Waxaan Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba ku ammaanaynaa sida ay uga go’antahay inay si dhow ula shaqeeyaan iskaashina la yeeshaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM si loo xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacanta Al-Shabaab loona baahiyo Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.

Waxaan garowsanahay in saaxiibada caalamku ay sii wadi doonaan dadaalka loogu jiro dhaqaale ururinta iyadoo loo marayo nidaamyada hadda jira si loo taageero adeegyada asaasiga ah oo la gaarsiiyo dadka ku nool gobolladan lana dhiso tayada Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts