HomeWararMaraykanka oo sheegay inaysan Ciiddamo Marinis ah u soo diri doonin Somalia

Maraykanka oo sheegay inaysan Ciiddamo Marinis ah u soo diri doonin Somalia

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo haatanbooqasho ku jooga caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba ayaa sheegay inaysan qorshihiisa ku jirin inuu Ciiddamo Maraykan ah u soo diro Somalia, si ay uga qeyb galaan La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab.

Madaxweyne Obama iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo gelinkii dambe ee shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Addis Abeba ayaa sheegay in ay Maraykanka taageero siinayaan Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu tilmaamay in Ciiddanka dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda yihiin Dagaalyaahanno waa weyn oo ku filan La-dagaalanka Alshabaab,waa sidauu hadalka u yiri, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay sii wadayaan Taageeradda Milliteri iyo Loojistiko ee ay AMISOM ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhinacakale, Madaxweyne Obama waxa uu cambaareeyey Is-qarxintii lala beegsaday Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho, oo ayku geeriyoodeen in ka badan 17 qof, oo ay kujireen 2 Saxafi iyo Muwaadin u dhashay dalka Shiinaha.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories