HomeWararMadaxweynaha: ''Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka qodobka ku saabsan xadka waa mid...

Madaxweynaha: ”Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka qodobka ku saabsan xadka waa mid abuureysa jawi is afgarad’’

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumarka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories