HomeWararFBI-da Maraykanka oo Dukumentiyo aan la shaacinin ka qaaday Dukaan ay...

FBI-da Maraykanka oo Dukumentiyo aan la shaacinin ka qaaday Dukaan ay Soomaalida ku leeyihiin GobalkaMinnesota ee dalka Maraykanka

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Saraakiil ka kala socotay Waaxda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka (FBI)-da  iyo Waaxda Beeraha ayaa baaritaano adag ku sameeyey Dukaaan lagu iibiyo Cuntada Soomaalida oo ku yaalla magaalladda Rochestar  ee Gobalka Minnesta ee dalkaasi.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay saacado badan baarayeen goobtaasi ganacsi oo lagu magacaabo Towfiq Grocery Store.

Wargeyska Post Bulletin ayaa qoray inay Saraakiisha ka soo qadeen Dukaanka dhowr sanaadiiqda Bangiyada oo u muuqday inay ku jireen Dukumentiyo badan.

Milkiilayaasha Dukaanka oo ahaa nin iyo haweeney ku sugnaa Dukaanka markii la baarayey wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

Afhayeenka Xafiiska Xeer Ilaalinta Maraykanka ee magaalladda Minneapolis, Ben Petok wuu  ka gaabsaday inuu Saxaafadda kala hadlo arrinkaasi.

Afhayeenka Waaxda Boliska ee magaalladda Rochester ayaa sheegay inay Saraakiil deegaanka gacan ka geyteen baaritaankii ay FBI-da ku sameeyeen Dukaanka Towfiq Grocery Store.

Dhinaca kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen 6 gaari oo aan qaarkood Taariko lahayn oo taagnaa albaabka Dukaanka Towfiq Grocery Store, kuwaasi oo ay wateen Saraakiishii baartay Dukaankaasi.

Lama soo sheegin dad laga soo xiray goobtaasi ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin magaalladda Rochester.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories