HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray dalka India

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu xiray dalka India

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Labo nin oo Somali ah ayaa shalay lagu xiray Deegaaanka Humayunnagar ee ka tirsan magaalladda Hyderabad ee Gobalka Andhra Pradesh ee dalka India. Wakaalladda Wararka Press Trust of India (PTI) ee dalka India ayaa ka soo xigatay Boliska in la xiray labo nin oo Somali ah, laguna kala magacaabo Abdirahman Abukar Hagi iyo Abdirahman Ibrahim, […]

- Advertisement -

Labo nin oo Somali ah ayaa shalay lagu xiray Deegaaanka Humayunnagar ee ka tirsan magaalladda Hyderabad ee Gobalka Andhra Pradesh ee dalka India.

Wakaalladda Wararka Press Trust of India (PTI) ee dalka India ayaa ka soo xigatay Boliska in la xiray labo nin oo Somali ah, laguna kala magacaabo Abdirahman Abukar Hagi iyo Abdirahman Ibrahim, kuwaasi oo  lagu soo oogay inay sameeyaaan Dukuementiyadda been abuurka.

- Advertisement -

Boliska waxay shaaciyeen in Eedeysanayaashaasi sameeyaan Dukumentiyo macmal ah oo isugu jirta Baasabooro, Fiisooyin dal-ku-gal ah, Cusbooneysiinta Fiisooyinka, Fasaxa Deganaanshaha iyo Dukumentiyadda ay Shisheeyaha ay ku joogi karaan India oo la been abuuray.

Boliska waxay sheegeen in si hoose loogu soo wargeliyey inay qaar ka mid ah Soomaalida deggan Deegaaanka Humayunnagar ee ka tirsan magaalladda Hyderabad ay ku hawlan yihiin samaynta Dukumentiyadda macmalka, waxayna Boliska ku soo qabteen Hawlgalkooda raggaasi iyo qalab isugu jira dhowr makiinadaha lagu farsameeyo timbarayaaha.

Boliska waxay kaloo sheegeen in Eedeysanaha Abdirahman Ibrahim oo 25 jir ah uu si sharci-darro ku joogay dalka India tan iyo bishii December ee sannadkii 2009-kii, Isla markaana uu sheegay inuu yahay Qaxooti aan wax caddaymo ah haysanin.

- Advertisement -

Eedeysanaha kale ee Abdirahman Abukar Haji Osman oo 22-jir ah waxa uu arday ka yahay Jaamacadda MBA, wuxuuna Hyderabad yimid bishii October ee sannadkii 2009-kii.

Boliska waxa uu Labada Eedeysane ku eedeyey inay saaxiibo ku noqdeen si ay u sameeyaan  Dukumentiyadda macmalka oo ay lacag badan ka heleen.

 

Latest stories