HomeWararMadaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway oo ka wadahadley xoojinta iskaashiga...

Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway oo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway Børge Brende. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iyo kaalinta Norway ay ka qaadaneyso taageerada hawlaha dib u dhiska iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway Børge Brende.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, iyo kaalinta Norway ay ka qaadaneyso taageerada hawlaha dib u dhiska iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, dhinacyada amniga ,siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

‘’Horumar la taaban karo ayaa ka jira Soomaaliya, balse waxaan beesha caalamka iyo dowladda Norway ka codsaneynaa in na laga taageero kaabeyaasha dhaqaalaha , tamarta, abuurista machadyo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan, maareynta kheyraadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Mr Brende, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada kaalinta hore kaga jira inay ka faa’ideystaan kaalmada dibedda ee Norway, tallaabadaasina ay tahay mid baarlamanka dalka Norway uu ansixiyey.

- Advertisement -

“Waan ku faraxsanahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, rajo weyn ayaanna ka qabaa in horumar intaa ka ballaaran la gaari doono. Norway waxay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala shaqeyso adeegyada muhiimka ee ay u baahan tahay. Waxaan dhowaan Soomaaliya u soo direynaa wafdi khubaro ah oo dersi doona adeegyada dhanka horumarinta ee Norway ay kala shaqeyn karto Soomaaliya. Soomaaliya waa dal kheyraad badan leh, anigoo ku rajo weyn in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si wanaagsan uga faa’ideysan kara, waddankoodana horumar u horseeda’’, ayuu yiri Mr Brende, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa sidoo kale ka wadahadley arrimaha gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, amniga caalamka iyo arrimo kale.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibbedda, Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, Maaliyadda, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim, Batroolka, Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim, La Taliyaha Madaxweynaha, Mudane Aweis Xaaji, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socdey.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A4337

IB0A4351

IB0A4344

IB0A4398

IB0A4379

IB0A4385

IB0A4393

IB0A4396

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts