HomeWararDalxiisayaasha Britishka oo looga digay inaysan socdaal ku tegin dalal ay Somalia...

Dalxiisayaasha Britishka oo looga digay inaysan socdaal ku tegin dalal ay Somalia ka mid tahay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain  ee  (FCO) ayaa waxay soo saareen Liiska Waddamadda ay Muwaaadiniinta Britishka, gaar ahaan Dalxiisayaasha kala kulmi karaan khatar dhinaca amniga. Hadalkaasi ayaa soo baxay kadib, markii dhowr isbuuc ka hor 30 Dalxiisayaal British ah lagu dilay weerar ka dhacay Xeebta loo dalxiis tago ee Sousse ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain  ee  (FCO) ayaa waxay soo saareen Liiska Waddamadda ay Muwaaadiniinta Britishka, gaar ahaan Dalxiisayaasha kala kulmi karaan khatar dhinaca amniga.

Hadalkaasi ayaa soo baxay kadib, markii dhowr isbuuc ka hor 30 Dalxiisayaal British ah lagu dilay weerar ka dhacay Xeebta loo dalxiis tago ee Sousse ee  dalka Tunisia.

- Advertisement -

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain ee (FCO) waxa uu Liiska Dalalka uu ka digay in ay Muwaadiniintooda booqdaan ayaa  waxaa ka mid ah Somalia.

Muwaadiniinta Britishka ayaa lagula taliyey dhamaan Safaradda lagu tago Waddanka Somalia oo ay ku jiraan Maamulka Somaliland, marka laga reebo magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera oo lagu tegi karo safaraadda muhiimka ah.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Commonwealth Office ee dalka Britain ee (FCO) waxa uu tilmaamay inay Somalia ka jiraan cabsi sare oo dhinaca Argagixisadda oo ay ku jiraan afduubyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Waddamadda looga digay Dalxiisayaasha Britishka inay booqdaan ayaa kala ah:- Afganistan, Iraq, Libya, Central African Republic,  Russia, Sierra Leone, Syria, Angola,Turkey, Bangladesh, Ecuador, Burkina Faso, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia,Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali iyo Saudi Arabia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts