HomeWararMadaxweyne Xasan sheekh oo magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka

Madaxweyne Xasan sheekh oo magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo dhameystirka dhisidda Hey’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu mudanaha xilkan loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hey’adaha Dowladda oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay

- Advertisement -

Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu xeerkan

Qodobka 1aad

Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay in uu noqdo Xisaabiyaha guud ee Qaran

Qodobka 2aad

Xisaabiyaha guud ee dowladda waxa uu mas’uul ka yahay si madaxbanaan Xisaabaadka hey’adaha dowladda iyo in uu la socdo qarashka Dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah maal lacageed oo ah keydka Dowladda.

Qodobka 3aad

Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka

Qodobka 4aad

Waxa uu xeerkan dhaqan gelayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts