HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda India+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaH.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda India  Hon. General (Retd) Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya . Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer ayaa ka sheekeeyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaH.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda India  Hon. General (Retd) Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya .

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer ayaa ka sheekeeyay horumarka uu gaaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka India, kaasoo ku qotama dhinacyo badan .

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale xusay hanaanka iyo isbadalka  siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii ugu dambeeyay , isagoo muujiyay in Soomaaliya u baahan tahay kaalin horumarineed oo ka qeyb qaadata dib u dhiska iyo maalgashiga..

Dhankiisa , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India Hon.Gen.(Retd) V.K.Singh wuxuu farxad iyo guul ku tilmaamay booqashadiisa caasimadda Muqdisho , isagoo xusay in dalkiisu ku faanayo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya .

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda India oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho , ayna ka qeyb yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka India u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Mr. Yogeshwar Varma ayaa waxaa  dalka ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali.

- Advertisement -

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo  doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

DSC08290 DSC08291 DSC08292 DSC08293 DSC08298 DSC08301 DSC08302 DSC08303 DSC08304 DSC08305 DSC08307 DSC08309

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts