HomeWararDowladda Federalka oo sheegtay in muranka xuduud-baddeedka ee Kenya lagu kala...

Dowladda Federalka oo sheegtay in muranka xuduud-baddeedka ee Kenya lagu kala bixi doono Maxkamadda ICJ

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia ayaa soo saartay War-saxaafadeed ku aadan hadal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed oo ay ku sheegtay inay Dowladda Somalia oggolaatay inay dhexdooda xal ka gaaraan muranka dhinaca xuduud-baddeedka oo ay Somalia horey ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka (ICJ) oo Xarunteeda ku taallo magaalladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia ayaa soo saartay War-saxaafadeed ku aadan hadal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed oo ay ku sheegtay inay Dowladda Somalia oggolaatay inay dhexdooda xal ka gaaraan muranka dhinaca xuduud-baddeedka oo ay Somalia horey ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka (ICJ) oo Xarunteeda ku taallo magaalladda The Hauge ee dalka Holland.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia oo la soo gaarsiiyey Idaacadda Dalsan ayaa waxa uu u qornaa sidatan:-

- Advertisement -

Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’an tahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

- Advertisement -

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay .

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts