HomeWararXukuumadda Federalka Somalia iyo Hay’adda Caalamiga ee ICAO oo ka wada hadlayo...

Xukuumadda Federalka Somalia iyo Hay’adda Caalamiga ee ICAO oo ka wada hadlayo maamulista Hawada Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Somalia, Ali Ahmed Abdulle “Jangali” oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Montreal ee dalka Canada ayaa la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Caalamiga ee Duullimaadka ee ICAO. Wasiirka waxay yeesheen Kulan Diplomaasiyeed wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adaasi, Alumuyiwa Bernard, Xoghayaha Guud ee ICAO, Dr. Fang Liu iyo Xoghayaha Guud ee xilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Somalia, Ali Ahmed Abdulle “Jangali” oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Montreal ee dalka Canada ayaa la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Caalamiga ee Duullimaadka ee ICAO.

Wasiirka waxay yeesheen Kulan Diplomaasiyeed wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adaasi, Alumuyiwa Bernard, Xoghayaha Guud ee ICAO, Dr. Fang Liu iyo Xoghayaha Guud ee xilka ka sii degayo ee Hay’addaasi, Raymond Benjamiin.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu Mas’uuliyiintaasi warbixin ka siiyey xaalladda Ammaanka ee Duullimaadka Hawada Somalia, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey ammaanka Khubarradda Khibradda leh ee Duulista Hawada.

Waxa uu tilmaamay in  Khubaro aqoon sare u lahaa Duullista Hawada  lagu dilay weeraro ay Alshabaab kula beegsadeen gudaha magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa kaloo uu Madaxda Hay’adda Caalamiga ee Duulista Hawada ee  ICAO kala xaajooday sidii Dowladda Somalia loogu soo wareejin lahaa Hawlaha Kontoroolka Hawada Somalia, wuxuuna xusay inay awood buuxda u leeyihiin inay si mas’uuliyad leh u maamulaan Hawada Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu Wasiirku ku baaqay in aan la siyaasadeynin muranka u dhexeeya Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland ee ku aadan Kontoroolka Duulista Hawada Somalia.

Tan iyo sannadkii 1996-kii waxaa Hawada Sare ee Somalia maamulaysay Hay’ad hoos tagta QM oo lagu magacaabo CACAS.

Balse, waxay Dowladda Federalka Somalia iyo Hay’addaasi  kala saxiixdeen bishii December ee sannadkii hore  Heshiis Dowladda Somalia lagu wareejinayo Awoodda Maamulista Hawada Somalia, inkastoo aan ilaa iyo haatan Dowladda Federalka lagu soo wareejinin Maamulista Hawada Somalia.

Dowladda Federalka Somalia waxay sheegtay inay Hay’addaasi sannad kasta ka hesho Kharaj dhan  6 ilaa 7 million oo Dollar oo ah Kharajka  laga qaado Diyaaradaha isticmaala Hawada Somalia

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts