HomeWararQM oo walaac ka muujisay xaalladda Qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan ee...

QM oo walaac ka muujisay xaalladda Qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan ee soo gaara dalka Giriigga

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in Shir degdeg ah laga yeesho Qaxootiga ku soo qulqulayo, kuna dhibaataysan dalka Giriigga ee ay mashaqada dhaqaale-xumo haysato. Afhayeenka UNHCR, William Spindler ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Geneva  in Qaxootiga soo gaara Jesiiradaha Waqooyiga Ajen iyo Dodekanes la kulmaan xaallado aad u xun, […]

- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in Shir degdeg ah laga yeesho Qaxootiga ku soo qulqulayo, kuna dhibaataysan dalka Giriigga ee ay mashaqada dhaqaale-xumo haysato.

Afhayeenka UNHCR, William Spindler ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Geneva  in Qaxootiga soo gaara Jesiiradaha Waqooyiga Ajen iyo Dodekanes la kulmaan xaallado aad u xun, isla markaana aysan jirin goobo lagu soo dhaweeyo.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay si gaar ah uga walaacsan yihiin qaxootiga da’da, kuwa xaamilladda ah, kuwa naafadda iyo carruurta aysan Waalidkooda la soconin.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay UNHCR diyaar u tahay inay sii wadaan inay Maamulayaasha iyo Bulshadad Rayidka ee dalka Giriigga kala shaqeeyaan arrimaha Qaxootiga, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay inay Dowladaha Midowga Europe  taageero badan ka geystaan si looga hortago dhibaatadda Aadminimo ee ku soo fool leh Qaxootiga ku soo qulqulayo Giriigga.

Sannadkan oo keliya. In ka badan 55,000 qaxooti u badan Somali, Eritrea, Syrian iyo Afrganistan ayaa soo gaaray dalka Giriigga iyagoo soo maraya dhinaca Badda ee dalka Turkiga.

- Advertisement -

 © Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories