HomeWararMadaxweynaha oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu ka soo qeybgaley...

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25aad ee Midowga Afrika

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa Shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25-aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika. Shir Madaxeedka oo socdey muddo laba maalmood ah (14 ilaa 15 June, 2015), ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa Shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25-aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shir Madaxeedka oo socdey muddo laba maalmood ah (14 ilaa 15 June, 2015), ayaa gabagabadiisa waxay hoggaamiyeyaasha isku raaceen dardargelinta ajendaha 2063 ee horumarinta haweenka, xal u raadinta xasaradaha ka aloosan qaaradda sida dagaalka Koonfuurta Suudaan, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Burundi, arrimaha la dagaalanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

- Advertisement -

Intii uu shirka socdey ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shir guddoomiyey shir ay ka soo qeybgaleen waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu kulamo la yeeshay hoggaamiyeyaasha Afrika qaarkood, wakiillo ka socdey Mareykanka , Qaramada Midoobay iyo kuwo kale.

Shir madaxeedka sannadkan ayaa waxaa sidoo kale looga hadley in Soomaaliya ay dhowaan bilowdo bixinta qaaraanka kaga soo aada miisaaniyadda Midowga Afrika, sidii ay hore u ahaan jirtey, isla markaana ay Soomaaliya si buuxda u heli doonto dhammaan fursadaha ay waddamada kale ka helaan ururka.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka sokow, waxaa kale oo uu Madaxweynaha goob joog ka ahaa heshiis iskaashi oo ay kala saxiixdeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha Witwatersrand iyo Vaal University of Technology ee dalka Koonfuur Afrika. Heshiiskaasi waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale.

- Advertisement -

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A3638

IB0A3705

AU-PHOTOGROUP

IB0A3654

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts