HomeWararJihadiste British oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab oo la dilay

Jihadiste British oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab oo la dilay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Muwaadin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Thomas Evans loona yaqaano C/xamiid ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 11-kii dagaalyahan ee Alshabaab shalay kaga geeriyootay dagaalkii ay Ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Xeradda Milliteriga Kenya ee Baure oo ku taalla  Deegaanka Baragooni. Qaar ka mid ah Warbaahinta dalalka Britain iyo Kenya ayaa qoray […]

- Advertisement -

Muwaadin u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Thomas Evans loona yaqaano C/xamiid ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa 11-kii dagaalyahan ee Alshabaab shalay kaga geeriyootay dagaalkii ay Ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Xeradda Milliteriga Kenya ee Baure oo ku taalla  Deegaanka Baragooni.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalalka Britain iyo Kenya ayaa qoray in Thomas Evans uu soo islaamiyey markii uu 19-jirka ahaa, wuxuuna la baxay Cabdul Xamiid.

- Advertisement -

Sannadkii 2012-kii ayuu ku soo biiray Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna ka mid ahaa Dagaalamayaasha Shisheeyaha ee loogu yeero Muhaajiriinta ee ka tirsan Alshabaab.

Warkan ku saabsan inuu Nin u dhashay dalka Britain oo ka tirsan Alshabaab la dilay ayaa soo baxay, wax yar kadib, markii uu Taliyaha Guud ee Boliska Kenya,Joseph Boinett sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 11-Dagaalyahan oo labo ka mid ahaayeen Ajaaniib caddaan ah.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories