HomeWararWarbixin: Duullimaadyadda Diyaaradaha Kenya iyo Somalia

Warbixin: Duullimaadyadda Diyaaradaha Kenya iyo Somalia

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Inkastoo ay Dhoofayaal badan ku xayiran yihiin magaalladda Nairobi, ayaa waxaa haddana jirta in Diyaarad Rakaab oo shalay ka ambabaxday Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho shalay galab ka degatay Garoonka Calaamiga ee diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, ayaa qoray  in Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynta ku yeelatay ay ka mid yihiin Jubba Airways iyo East Africa Airways oo iyagu caadi ahaan uga dega Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Ilo wareedyo ayaa sheegay Wargeyska the Star  in Duullimaadyadda Shirkadda Jubba Airways weli si caadi ah u hawlgalaaan.

Sarkaal u hadlay Shirkadda The East African Express oo codsaday inaan magaciisa la adeegsanin ayaa sheegay in lagu khasbay inay joojiyaan dhamaan Duullimaadyadii u qorsheysnaa dabayaaqadda Toddobaadka.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adda maamusha Garoomadda diyaaradaha Kenya ee K.A.A. ay qoraal digniin ah soo gaarsiiyeen saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista, inkastoo uusan amarka shaqeynin ilaa Jimcihii.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Dhoofayaasha lagu khasbay inay raadsadaan goobo ay sii joogaan, kadib, markii la joojiyey dhaamaan Duullimnaadyaddii Shirkadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery iyo Labada shirkadood ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixinin wararka sheegayo in la xayiray Diyaaradihii Rakaabka ee isaga kala gooshi jirey Somalia iyo Kenya.

Hay’adda Garoomadda Diyaaradaha ee Kenya ee maamusha Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inaysan weli ka hadlin xayiraadaasi.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Duullimaadyadda Nairobi ilaa Mogadishu sii socon doonaan, iyadoo ay Hay’adda Garoomadda diyaaradaha Kenya ee KAA bixisay amarkaasi.

@ Warqabadka Dalsan

Latest stories