HomeWararQaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xerooyinka Kenya oo loo asteeyey...

Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xerooyinka Kenya oo loo asteeyey halka la dejinayo

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

War Wadajir ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Guddiga Saddex Geesoodka ee Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay isla garteen 6 Degmo oo ku yaalla Koonfurta Somalia, kuwaasi oo lagu soo celin doono Qaxootiga iskooda u go’aansada inay dalkooda hooyo ku soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Wadajir ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Guddiga Saddex Geesoodka ee Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay isla garteen 6 Degmo oo ku yaalla Koonfurta Somalia, kuwaasi oo lagu soo celin doono Qaxootiga iskooda u go’aansada inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan .

War Murtiyeed ay Guddga Saddex Geesoodka ka soo saareen magaalladda Nairobi ayaa la tilmaamay inay Qaxootiga ku soo laaban doonaan magaalladda Muqdisho, Afgooye, Beled-weyne, Wanle-weyn iyo Jowhar.

- Advertisement -

Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in Qaxootiga doonaya inay iskooda ugu soo laabtaan qeybaha kale ee dalka Somalia la siinayo Kaalmo Dhaqaale safarkooda Kenya ilaa gudaha Somalia.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay inay 332,749 qof iskooda u soo laabanayo in la siinayo taageeradda dhaqaale si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Guddiga Farsamadda ee Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR ee u xil-saaran Arrimaha Qxaootiga ayaa la filayaa inay maalinta Talaadada ee soo socota yeeshaan Shir ay ku diyaarinayaan Faahfaahinta Guud ee Istaraatijiyadda Qaxootiga soo laabanayo, iyo inay dib-u-eegaan Xilli-hawleedka Guddiga Saddex Geesoodka oo ku eg bishan June 30-da.

- Advertisement -

 @ Warqabadka Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts