HomeWararMadaxweynaha oo ka soo laabtey socdaal uu ku tegey Nigeria iyo Sudan.

Madaxweynaha oo ka soo laabtey socdaal uu ku tegey Nigeria iyo Sudan.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Muqdisho, 3 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu Sudan iyo Nigeria kaga soo qeybgaley munaabadaha caleema saarka hoggaamiyeyaasha labadaasi dal. Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 3 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu Sudan iyo Nigeria kaga soo qeybgaley munaabadaha caleema saarka hoggaamiyeyaasha labadaasi dal.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale ayaa intii uu dalalkaasi marayey kulamo muhiim ah la qaatey Madaxweyne Muhammadu Buhari iyo General Cumar Xasan Al Bashiir.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku hakadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts