HomeWararWafdi ka socda Kenya oo Dowladda Somalia kala hadli doono qorshaha lagu...

Wafdi ka socda Kenya oo Dowladda Somalia kala hadli doono qorshaha lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaaab

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxa Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga, Haruun Komeen ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Toddobaadlaha ee The Nation on Sunday oo ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Dowladda Kenya ka baaraan-degayso baahida loo qabo in si degdeg ah loo xiro Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan rubuc million oo Qaxooti […]

- Advertisement -

Madaxa Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga, Haruun Komeen ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Toddobaadlaha ee The Nation on Sunday oo ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Dowladda Kenya ka baaraan-degayso baahida loo qabo in si degdeg ah loo xiro Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan rubuc million oo Qaxooti Somali ah.

Sarkaalkaasi waxa uu intaasi ku daray inay dhinacyadda ay khuseyso Qaxootiga la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa caddaymaha baaritaanka lagu hayo inay Alshabaab weerarkii ugu dambeeyey ka soo abaabuleen Xeradda Dhadhaab.

- Advertisement -

Madaxa Arrimaha Qaxootiga ee Kenya, waxa uu tilmaamay inay maalinta Talaadada booqasho ku imaan doonaan magaalladda Muqdisho, si ay Madaxda Somalia kala hadlaan baahida loo qabo in la xiro Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay La-tashi la leeyihiin Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), si loo gorfeeyo arrintaasi.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Alshabaab toddobaadkii hore jidka u galeen gaadiid ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya, oo marayey Deegaanka Yumbis oo 5 Km  u jirta Xeradda Dhadhaab.

- Advertisement -

Weerarkaasi oo ay Alshabaab sheegteen ayaa lagu dilay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya,laguna gubay dhowr gaari oo ay Boliska wateen.

© Warqabadka Dalsan

Latest stories