HomeWararMuuqaalo muujinaya Boliska Kenya oo si xun u jirdilayo dad ka soo...

Muuqaalo muujinaya Boliska Kenya oo si xun u jirdilayo dad ka soo jeeda Somaalida Kenya oo la soo bandhigay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Baraha Internetka ee ay Bulshadda wadaagaan ayaa la soo dhigay Muuqaal Video ah oo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembiyadda ee Boliska Garissa soo dhigay bartiisa Facebook, taasi oo muujinaysa Sarkaal ka tirsan  Boliska Kenya oo ddallinyarro Soomaalida Kenya u geysanayo  tacadiyo ka baxsan Xuquuqda Adaanaha. Muqaalkaasi oo ay Malaayiin qof ku wadaageen Facebook-ga iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Baraha Internetka ee ay Bulshadda wadaagaan ayaa la soo dhigay Muuqaal Video ah oo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembiyadda ee Boliska Garissa soo dhigay bartiisa Facebook, taasi oo muujinaysa Sarkaal ka tirsan  Boliska Kenya oo ddallinyarro Soomaalida Kenya u geysanayo  tacadiyo ka baxsan Xuquuqda Adaanaha.

Muqaalkaasi oo ay Malaayiin qof ku wadaageen Facebook-ga iyo Twitterka ayaa waxa ka muuqday Sarkaal ka  tirsan Boliska Kenya oo jeydal la dhacayo, isla markaana ku durdurinaya Dhallinyarro ka mid ah Soomaalida Kenya ee ku dhaqan Garissa.

- Advertisement -

Muuqaaladaasi ayaa waxaa kaloo ka muuqda dhallinyarro dhabacaadsan dhulka oo si saf-mareen ah uu Sarkaalku u garaacayo, kuna durdurinayo.

Askar badan oo ku labisan dharka Ciiddanka ayaa daawanaysay Tacadiyadda, waxaana Muuqaalladda ka muuqda sawirka gaari Land Cruiser oo u muuqaal eg kan ay isticmaalaan Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.

Dadka deegaanka ee daawaday Muuqaaladaasi ayaa sheegay in halka uu ka dhacay Tacadigaasi tahay Deegaanka Modika ee Garissa.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha iyo Dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha Muuqaalladaasi laga argagaxo, waxay si aad ah uga caroodeen falkaasi, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan loo soo xiro Saraakiisha ku lugta leh gaboodfalkaasi.

Dhinaca kale, Taliska Boliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan run ahaanshaha Muquaalladdaasi, lana soo maxkamadeyn doono Sarkaalka Tacadiyadda u geystay Dhallinyaraddaasi.

Ku-simaha Taliyaha Boliska Garissa, Shadraak Maithya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay Muuqaalkaasi, balse uu baarayo Kiiskaasi.

Mar wax laga weydiiyey inuu garanayo Sarkaalka muuqaalkaasi dhigay baraha Bulshadda, waxa uu Ku-simaha Taliyaha sheegay inuu ku cusub yahya Garissa, isla markaana uusan hubin inuu jiro Sarkaalka lagu magacabao Michael Orita ee ah Shaqsiga bartiisa Facebook ku baahiyey Muuqaalladaasi laga argagaxo.
saworr deeer

 

© Warqabadka Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts