HomeWararShirkad shisheeye oo lagu wareejin doono Maamulka Dekedda magaalladda Berbera

Shirkad shisheeye oo lagu wareejin doono Maamulka Dekedda magaalladda Berbera

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland, Mohamed Biixi Yoonis oo haatan ku sugan caasimadda dalka  inay wada hadallo ku jiraan Shirkaddo Caalami ah, isla markaana ay ka xulan doonaan Shirkadda ugu habboon in lagu wareejiyo Maamulka iyo Horumarinta ee Dekedda Berbera. Wasiirka oo haatan ka qeyb galayo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika uga socda caasimadda dalka […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland, Mohamed Biixi Yoonis oo haatan ku sugan caasimadda dalka  inay wada hadallo ku jiraan Shirkaddo Caalami ah, isla markaana ay ka xulan doonaan Shirkadda ugu habboon in lagu wareejiyo Maamulka iyo Horumarinta ee Dekedda Berbera.

Wasiirka oo haatan ka qeyb galayo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika uga socda caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan ayaa sheegay inay Shirkadda ku guuleysata Qandaraaskaasi ay Maamulka Dekedda Berbera ku wareejin doonaan dabayaaqadda sannadkan.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in bilowga sannadka soo socda dhismo lagu kordhin doono Dekedda Berbera, si ay Dekedda u noqoto mid loo adeegsna karo Shixnadaha Transitka ee  laga leeyahay dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.

Shirkaddaha ay Maamulka Somaliland  wada xaajoodka kula jiraan ayaa kala ah: ShirkaddaBollore ee laga leeyahay dalka Faransiiska, Shirkadda Maraakiibta ee Mediterranean  ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland iyo Shirkadda Dubai DPee dalka Imaaraadka Carabta.
© Dalsan Radio

Latest stories