HomeWararSagaal Sarkaal oo ka tirsan FIFA oo lagu xiray Switzerland

Sagaal Sarkaal oo ka tirsan FIFA oo lagu xiray Switzerland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Switzerland waxay oogtii hore ee saakayto u dhaceen Hotel ay deggan yihiin Madaxda Sare ee Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Zurich. Xarigooda ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii ay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka codsadeen in Saraakiishaasi loo soo gacan-geliyo. Saraakiisha Sarsare ee FIFA […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Switzerland waxay oogtii hore ee saakayto u dhaceen Hotel ay deggan yihiin Madaxda Sare ee Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Zurich.

Xarigooda ayaa la sheegay inuu yimid, kadib, markii ay Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka codsadeen in Saraakiishaasi loo soo gacan-geliyo.

- Advertisement -

Saraakiisha Sarsare ee FIFA ee maanta la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa Labada G/Xigeenka ee FIFA iyo shan u qaabilsan dhinaca Suuq-geynta Sport-ga, waxaana la sheegay inay  ku kaceen falal musuq ah iyo iyagoo is-dhaafsaday laaluush iyo falal wax u dhimay Hoggaanka FIFA ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Jeffery Webb iyo Jack Warner oo iyagu ah Madaxii hore iyo Madaxa haatan ee Xiriirka K/cagta ee Waqooyiga iyo Bartamaha America ee The Confederation of North, Central American and Caribbean Association Football (CONCACAF) oo hoos taga Xarunta uu Xiriirka K/Cagta ee FIFA ku leeyihiin dalka Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa rajeynayso in Saraakiisha FIFA ee lagu qabtay dalka Switzerland loo soo masaafuro Maraykanka, si baaritaano loogu sameeyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka FIFA, Walter de Gregorio ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inuusan Guddoomiyaha FIFA, Sepp Blatter ka mid ahayn Saraakiisha la xiray.

Saraakiisha FIFA ee ku sugan Switzwerkabd ayaa sheegay in Shirweynaha FIFA lagu dooran doono Guddoomiyaha cusub ee FIFA, oo ay ku loolamayaan Sepp Blatter iyo  Amiir Ali Bin Hussein oo u dhashay dalka Urdun.

Waxaa la filayaa in Saraakiishaasi loo masaafuriyo dalka Maraykanka si loogu soo oogo eedeymaha loo haysto.

  1. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts