HomeWararDhallinta Koonfurta Afrika oo loogu baaqay inay ku soo biiraan Sirdoonka, si...

Dhallinta Koonfurta Afrika oo loogu baaqay inay ku soo biiraan Sirdoonka, si looga hortago cabsida Alshabaab

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Xoghayaha Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika, David Mahlobo ayaa jeediyey baaqaasi, isagoo ku booriyey dhallinyaradda inay galaan Akadeemiyadda Sirdoonka si loogu tababaro Basaasnimo.

Waxa uu tilmaamay inuu dalka Koonfurta Afrika yahay Waddan ka bad-qaba cabsi kasta oo uga timaada gudaha iyo dibedda. “Cabsida khatarta leh ee dhinaca ammaanka ayaa ah waxyaabihii aan dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ku aragnay inta badan dalalka Bariga Afrika weeraradda Alshabaab” ayuu yiri David Mahlobo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha Sirdoonka ee dalkiisa la wadaagaan QM iyo dalalka deriska arrimaha la xiriira Shabakadaha Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo khataraha kale ee cabsida xambaarsan.

Wasiirka Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika, David Mohlobo waxa uu tilmaamay inay taxadar ka qabaan Kooxaha Islaamiyiinta ee Dhallinyarradda ku tashkiiliya Warbaahinta ay Bulshadda ku kulmaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay si taxadar leh ula socdaan qorshaha ay Kooxahaasi maleegayaan, isagoo xusay inay si hdow ula socdaan Lacagaha la isku xawilayo.

“Marka Kooxahaasi laga xiro ilaha laga maalgeliyo, ma awoodi karaan inay dhaqdhaqaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika. Xigasho:- Independent Online

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories