HomeWararMadaxweynaha oo ugu baaqey waddamada Carabta inay maalgashadaan Soomaaliya, suuqyadoodana u furaan...

Madaxweynaha oo ugu baaqey waddamada Carabta inay maalgashadaan Soomaaliya, suuqyadoodana u furaan badeecadaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga. “Waxaan idin kaga mahadcelineynaa sida aad mar walna inoo garab taagan tihiin, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

- Advertisement -

“Waxaan idin kaga mahadcelineynaa sida aad mar walna inoo garab taagan tihiin, welina waan u baahanahay inaad sii waddaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh, sidaa darted waxaan idinka codsaneynaa inaad maalgashi ku sameysaan dalka, isla markaana aad badeecadaheena u furtaan suuqyadiina, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameyno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis ee Soomaaliya ka socda, ayna waddamadooda sii wadi doonaan la shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

- Advertisement -

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A6713

IB0A6726

IB0A6675

IB0A6677

IB0A6663

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts