HomeWararTahriibayaal Somali oo ku xayiran dooni shidaalkii kaga dhamaaday meel ka baxsan...

Tahriibayaal Somali oo ku xayiran dooni shidaalkii kaga dhamaaday meel ka baxsan Jesiiradda Malta

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Tahriibayaal ay tiradooda dhan tahay 102 qof oo ay ku jiraan 50 haween iyo ilmo yar oo labo isbuuc jir ah ayaa waxay weli ku go’doonsan yihiin Badda, kadib, markii uu shidaalka ka go’ay doonida ay la socdaan.

Tahriibayaashaasi oo u kala dhashay Somalia iyo Eritrea ayaa la sheegay inay saddex maalmood ka hor doonidaasi oo caag ah ay ka soo raaceen Xeebta caasimadda dalka dalka Libya ee Tripoli.

Mid ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida, oo lagu magacaabo Abdullahi Sharif ayaa u sheegay WargeyskaInternational Business Times  ee ka soo baxa magaalladda Londoin inay xaalladooda halis ku jirto, isla markaana aysan ogeyn halka ay ka joogaan Badda.

“Xaalladda doonida ma wanaagsana. Ma haysano cunto nagu filan. Shidaalkii waa ka dhamaaday doonida, dadkana wey wada xanuunsan yihiin” ayuu yiri Tahriibahaasi oo intaasi ku daray inaysan jirin cid taqaana goobta ay haatan ku suganahay.

Dhinaca kale, Dhaqdhaqaaqyahanad u ololeysa badbaadinta Tahriibayaasha oo asalkeeda ka soo jeedo dalka Eritrea, balse haysta dhalashadda dalka Sweden ayaa sheegay inay soo gaareen Qeylo-dhaanta Tahriibayaasha ku xayiran doonidaasi.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Meron Esyefanos ayaa u sheegtay  Wargeyska  International Business Times  ayaa sheegay inay u gudbisay  Ciiddanka Badda Talyaaniga xaalladda adage e ay Tahriibayaashaasi ku sugan yihiin.

Qeylo-dhaantan ayaa timid, kadib, markii ay 40 Tahriibayaal shalay ku hafteen dooni ay la socdeen, kadib, markii ay doonida ka boodeen, si ay u gaaraan Markab Ganacsi oo u soo gurmaday Tahriibayaasha.

Afhayeenadda Hay’adda Save the Children, Giovanna di Benedetto, ayaa u sheegtay WargeyskaInternational Business Times  in dadkii ka badbaaday shilkaasi sheegeen in 39- Tahriibayaal ku geeriyootay shilkaasi.

Laakiin, Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM), Flavio Di Giacomo, waxa uu tiradda dhimashadda Tahriibayaasha gaarsiiyey 46 qof.

Xigasho: IB Times

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories