HomeWararTahriibayaal Somali oo ku xayiran dooni shidaalkii kaga dhamaaday meel ka baxsan...

Tahriibayaal Somali oo ku xayiran dooni shidaalkii kaga dhamaaday meel ka baxsan Jesiiradda Malta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Tahriibayaal ay tiradooda dhan tahay 102 qof oo ay ku jiraan 50 haween iyo ilmo yar oo labo isbuuc jir ah ayaa waxay weli ku go’doonsan yihiin Badda, kadib, markii uu shidaalka ka go’ay doonida ay la socdaan. Tahriibayaashaasi oo u kala dhashay Somalia iyo Eritrea ayaa la sheegay inay saddex maalmood ka hor doonidaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tahriibayaal ay tiradooda dhan tahay 102 qof oo ay ku jiraan 50 haween iyo ilmo yar oo labo isbuuc jir ah ayaa waxay weli ku go’doonsan yihiin Badda, kadib, markii uu shidaalka ka go’ay doonida ay la socdaan.

Tahriibayaashaasi oo u kala dhashay Somalia iyo Eritrea ayaa la sheegay inay saddex maalmood ka hor doonidaasi oo caag ah ay ka soo raaceen Xeebta caasimadda dalka dalka Libya ee Tripoli.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida, oo lagu magacaabo Abdullahi Sharif ayaa u sheegay WargeyskaInternational Business Times  ee ka soo baxa magaalladda Londoin inay xaalladooda halis ku jirto, isla markaana aysan ogeyn halka ay ka joogaan Badda.

“Xaalladda doonida ma wanaagsana. Ma haysano cunto nagu filan. Shidaalkii waa ka dhamaaday doonida, dadkana wey wada xanuunsan yihiin” ayuu yiri Tahriibahaasi oo intaasi ku daray inaysan jirin cid taqaana goobta ay haatan ku suganahay.

Dhinaca kale, Dhaqdhaqaaqyahanad u ololeysa badbaadinta Tahriibayaasha oo asalkeeda ka soo jeedo dalka Eritrea, balse haysta dhalashadda dalka Sweden ayaa sheegay inay soo gaareen Qeylo-dhaanta Tahriibayaasha ku xayiran doonidaasi.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Meron Esyefanos ayaa u sheegtay  Wargeyska  International Business Times  ayaa sheegay inay u gudbisay  Ciiddanka Badda Talyaaniga xaalladda adage e ay Tahriibayaashaasi ku sugan yihiin.

Qeylo-dhaantan ayaa timid, kadib, markii ay 40 Tahriibayaal shalay ku hafteen dooni ay la socdeen, kadib, markii ay doonida ka boodeen, si ay u gaaraan Markab Ganacsi oo u soo gurmaday Tahriibayaasha.

Afhayeenadda Hay’adda Save the Children, Giovanna di Benedetto, ayaa u sheegtay WargeyskaInternational Business Times  in dadkii ka badbaaday shilkaasi sheegeen in 39- Tahriibayaal ku geeriyootay shilkaasi.

Laakiin, Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM), Flavio Di Giacomo, waxa uu tiradda dhimashadda Tahriibayaasha gaarsiiyey 46 qof.

Xigasho: IB Times

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts