HomeWararMadaxweynaha Jabuuti iyo John Kerry oo ka wada hadlay La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha Jabuuti iyo John Kerry oo ka wada hadlay La-dagaalanka Alshabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweyne Ismail Omar Geelle iyo Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, Amniga Mandiqadda, La-dagaalanka Alshabaab iyo Xaalladda  Qaxootiga Yemen ee ku sugan dalka  Jabuuti. Diplomaasi la socda John Kerry ayaa Warbaahinta u sheegay inay Madaxweyne Geelle iyo John Kerry ka wada hadleen xaalladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Ismail Omar Geelle iyo Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, Amniga Mandiqadda, La-dagaalanka Alshabaab iyo Xaalladda  Qaxootiga Yemen ee ku sugan dalka  Jabuuti.

Diplomaasi la socda John Kerry ayaa Warbaahinta u sheegay inay Madaxweyne Geelle iyo John Kerry ka wada hadleen xaalladda Somalia iyo qaabka looga guuleysan karo cabsida ay Alshabaab ku hayaan dalalka Gobalka.

- Advertisement -

“Jabuuti waxay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan sidii dib loogu riixi lahaa Xag-jirayaasha” ayuu yiri John Kerry mar ay  isaga iyo Saraakiil Jabuutiyaan booqdeen Masjid ku yaalla magaalladda Jabuuti.

Dhinaca kale, John Kerry waxa uu booqday Saldhigga Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Xeradda  Camp Lemmonier, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Kumanaan Askar Maraykan ah, kuwaasi oo u xil-saaran Hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Yemen.

Dhinaca kale, John Kerry waxa uu Dowladda Jabuuti uga mahadceliyey taageeradda ay u fidinayaan 500 Muwaadiniin Maraykan ah iyo Kumanaan kale oo Qaxooti Yemeniyiin oo ka soo cararay dagaalladda weli ka socda Yemen.

- Advertisement -

John Kerry waxaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta u ambabaxo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad, kadibna waxa uu kaga sii gudbi doonaa dalka Faransiiska oo lagu qabanayo Shirweyne looga hadlayo Ammaanka Gobalka iyo dabaaldega lagu xusuusanayo dhamaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ee ka socday gudaha Qaaradda Europe.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts