HomeWararBoqolaal Dagaalyahanno Alqaacida oo soo gaaray Puntland iyo Somaliland

Boqolaal Dagaalyahanno Alqaacida oo soo gaaray Puntland iyo Somaliland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ku-dhawaad 600 oo dagaalyahanno ka tirsan Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAB) oo ka soo firxatay dagaalladda ka socda dalka Yemen ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah Goballadda Waqqoyi ee Somalia, gaar ahaan deegaannadda hoos taga Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Somaliland. War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-dhawaad 600 oo dagaalyahanno ka tirsan Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAB) oo ka soo firxatay dagaalladda ka socda dalka Yemen ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah Goballadda Waqqoyi ee Somalia, gaar ahaan deegaannadda hoos taga Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Somaliland.

War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry ayaa waxa uu ku sheegay inay cid kasta og tahay inay Maraykanka  in ka badan 20-sanno taageero ka geysan jireen sidii Maleeshiyooyinkaasi loogu khasbi lahaa in laga saaro gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Beesha Calaamka iska kaashan doonaan sidii looga hortegi lahaa walaaca taagan.

John Kerry waxa kaloo uu Qoraalkiisa ku shaaciyey inay Dowladda Maratkanka taageero dheeraad siinayaan Soomaalida, gaar ahaan Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda cuusb ee ku soo qulqulayso Somalia.

Saraakiisha Maraykanka aya rumeysn in qulqulka cusub ee Argagixisadda ugu soo gudbayaan Somalia inay xagal-daacin karaan dadaalka Caalamiga ee lagu doonayo in deganaansho buuxda loogu soo dabaalo dalka Somalia.

- Advertisement -

Washington Free Beacon‎ ayaa qoray in ku-dhawaad 5,000 oo Qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalladda ka socda dalka Yemen inay doonyo kaga soo gudbeen Gacanka Cadmeed, iyagoo soo gaaray Dekeddaha magaallooyinka Bosaaso iyo Berbera.

Inta badan doonyaha waxay Qaxootiga ka soo qaadaan Dekedda magaalladda Mukalla oo ku taalla Koonfurta dalka Yemen, halkaasi oo ay Alqaacida boqolaal dagaalyahan ka sii daysay Xabsiga.

Maxaabiistaasi ayaa la sheegay inay u soo qaxeen Somalia, waxayna mar kale isku  urursanayaan qeybo ka mid ah Waqooyiga Somalia.

Ku-dhawaad 300 Maxaabiis ah oo bishii hore ee April 2-dii ka soo baxsaday Xabsi ku yaalla dalka Yemen ayaa ka mid ah Alqaacidada u soo carartay Goballadda Waqooyi ee Somalia.

Dagaalyahannadda Alqaacida ayaa horey u sheegay inay ku sugan yihiin Goballadda Somaliland iyo Puntland.

Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Sirdoonka Maraykanka, oo lagu magacaabo Bruce Riedel, kana hawlgala Machadka Brookings Institution ayaa sheegay in qulqulka Alqaacida ee Somalia inay tahay sidii ay u abuuri lahaayeen Gobal cusub oo hoos taga Alqaacidada Yemen ee AQAB.AQAB AQAB_1

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts