HomeWararSenator ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka oo Soomaalida ku nool dalkaasi ku sifeeyey...

Senator ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka oo Soomaalida ku nool dalkaasi ku sifeeyey Argagixiso

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

 Norm Coleman oo ka mid ahaan jirey Senator-adda Kongareeska Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay Maqaal uu ku qoray Wargeyska “The Star Tribune”, isagoo deegaanaadda ay Soomaalida kaga suganyihiin Maraykanka ku sifeeyey Dhulkii Tobanka Kun ee Argagixiso, waa sida uu hadalka u yiri.

Siyaasigaasi waxa uu ku adkeystay Eedeymahiisa, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Andrew Luger uga mahadcelinayo shaqada adag ee uu qabtay, si uu Eedeysanayaasha lala xiriirinayo Argagixisadda u hor keeno Caddaaladda.

Maqaalka Ex-senotor Norm Coleman waxa aad uga carooday dadka Soomaali-Maraykanka, oo ku tilmaamay hadalkiisa mid ay ka muuqato Isir-nacayb iyo Karaahiyad.

Abdi Warsame oo ah Somali-Maraykan xubin ka ah Golaha Deegaanka magaalladda Minneapolis ee ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin ayaa tilmaamay inaan la rumeysan karin Cinwaanka Maqaalka Xildhibaankaasi hore ee uu hal-ku-dhegga uga dhigay Dhulkii 10,000 Argagixiso “Land of 10,000 Terrorits.

Wuxuuna ugu baaqay Ex-senotor Norm Coleman inuu raalli-gelin buuxda siiyo  dhamaan Muwaadiniinta Somali Maraykanka ee ku nool Gobalka Minnesota.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo 6 dhallinyarro Somali-Maraykan lagu soo oogay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories