HomeWararSoomaalida Maraykanka oo dhigay dibadbax ay ku taageerayaan qoysaka ay Boliska ka...

Soomaalida Maraykanka oo dhigay dibadbax ay ku taageerayaan qoysaka ay Boliska ka xireen wiilashooda

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ku-dhawaad 100 ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Mraaykanka ayaa isugu soo baxay magaalladda Minneapolis, si ay u muujiyaan inaysan wax dembi ah lahayn lix dhallinyarro Somali Maraykan oo lagu eedeynmayo inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq. Dibadbaxayaasha oo watay sawirradda lixda dhallinyarro ee xiran ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Ku-dhawaad 100 ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Mraaykanka ayaa isugu soo baxay magaalladda Minneapolis, si ay u muujiyaan inaysan wax dembi ah lahayn lix dhallinyarro Somali Maraykan oo lagu eedeynmayo inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Dibadbaxayaasha oo watay sawirradda lixda dhallinyarro ee xiran ayaa sheegay inay raggaasi yihiin dad aan wax dembi ah gelin, waxayna ku baaqeen in xabsiga laga sii daayo.

- Advertisement -

Hooyadda dhashay labo ka mid ah dhallinyarradda xiran oo lagu magacaabo Ayaan Faarax ayaa sheegtay inaysan wiilasheeda marnaba dhibaato ka abuurin Sharciga Maraykanka.

Dibadbaxayaasha waxay kaloo ugu baaqeen Hoggaamiyayaasha magaalladda Minneapolis iyo kuwa Gobalka Minnesota inay Jaalliyadda Soomaalida ka taageeraan sidii loo ogaan lahaa kuwa dhallinyaraadda xiran ku tilmaamay Argagixiso.

Mohamoud Nuur oo ka mid ah dadkii soo qabanqaabiyey Dibadbaxaasi ayaa sheegay inaysan Soomaalida ahayn dhibaato, balse ay dhibaataddu tahay Gobalka Minnesota.

- Advertisement -

Isagoo la hadlayey Telefishinka MPR waxa uu xusay inay ka guuleysan doonaan kuwa dadka ku eedeeynayo dembiyo aysan lahayn.

Dhallinyarradda xiran oo da’dooda u dhexeyso 19 ilaa 21-sanno jir ayaa lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish, iyadoo ay Dembi-baarayaasha FBI-da sheegeen inay dhallinyaradaasi ku raad-joogeen tobankii bilood ee la soo dhaafay.

Lixdaas Eedeysane ayaa la sheegay in afar ka mid ah laga soo qabtay Gobalka Minnesota, halka labada kalena  laga soo qabtay magaalladda San Diyeego ee Gobalka California.

Latest stories