HomeWararMadaxweynaha oo ka qeybgalaya shir madaxeed iyo xus loo sameynayo guulihii Turkiga...

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya shir madaxeed iyo xus loo sameynayo guulihii Turkiga ee Dagaalkii 1aad ee Dunida

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...
SOM

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya shir madaxeed iyo xus loo sameynayo guulihii Turkiga ee Dagaalkii 1aad ee Dunida

Istanbul, 22 April 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiirigelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dunida ayaa ka qeybgeli doona munaasabadaha shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta beri oo ku began 23-ka bisha April.

Waxaa la filayaa inta munaasabadahan ay socdaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaato madaxda Turkiga iyo hogaamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgalaya.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaanu imaan Turkiga, waxaa uu magaalada Aqaba ee dalka Jordan kaga soo qeybgaley shir madaxeed looga hadlayey amniga Geeska Afrika iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo argagixisada.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

unnamed  4

unnamed


 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories