HomeWararCunug yar oo Somali ah oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen

Cunug yar oo Somali ah oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Warbaahinta Caalamiga ayaa qoray in ay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga u gurmadeen, soona badbaadiyey ilmo yar oo saddex bilood jir ahaa, kaasi oo qeyb ka ahaa in ka badan 90 Tahriibayaal ah oo shalay soo gaaray Jesiiradda Lampedusa. Hawlgal degdeg ah ayaa wiilka yar looga soo qaaday Doonidii ay hooyadiisa la socotay, kadib, markii uu si […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbaahinta Caalamiga ayaa qoray in ay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga u gurmadeen, soona badbaadiyey ilmo yar oo saddex bilood jir ahaa, kaasi oo qeyb ka ahaa in ka badan 90 Tahriibayaal ah oo shalay soo gaaray Jesiiradda Lampedusa.

Hawlgal degdeg ah ayaa wiilka yar looga soo qaaday Doonidii ay hooyadiisa la socotay, kadib, markii uu si kedis ah u xanuunsaday.

- Advertisement -

Markab ganacsi ayaa soo qaaday wiilkaa yar iyo in ka badna 80 Tahriibayaal ah oo la socday dooni ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Libya, kuwaasi oo haatan ku sugan Jesiiradda Lampedusa.

Sidoo kale, Isbitaalladda Lampedusa waxaa lagu daawaynayaa ugu yaraan 20 Tahriibayaal oo ay dhaawacyo gubasho soo gaareen intaysan ka soo ambabixin Xeebaha Libya.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay gubteen, kadib, markii ay ku qaraxday Jikadda cuntadda lagu karsado.

- Advertisement -

Madaxa Adeegga Caafimaadka ee Lampedusa, Domenico Bartolo, ayaa ka dayriyey xaalladda 10 ka mid ah dadkaasi gubtay, oo si xun u wada gubtay.

Bukaanadda kale ayaa la sheegay in loo gudbiyey Isbitaallo ku yaalla Jesiiradda Sishiliya, si loogu daaweeyo.

Haweeney 25-jir oo ka mid ah Dhaawacyadda ayaa ku geeriyootay Badda, inta ay ku soo jireen safarka ay kaga soo shiraacdeen Xeebaha Libya.

Dhinaca kale, Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, in ka badan 11,000 oo Tahriibayaal ah ayaa la badbaadiyey, kuwaasi oo haatan ku sugan Talyaaniga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts