HomeWararKenya oo la sheegay inay boob ku hayaan dhul ka mid...

Kenya oo la sheegay inay boob ku hayaan dhul ka mid ah dalkeenna Somalia

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Iyadoo ay Dowladda Kenya sheegtay inay bilaabeen dhismaha  Gidaar ay ugu talagashay inay isaga moosaan Dagaalyahannadda Alshabaab ee sida fudud ugu dusa xuuduudka Kenya la wadaagto Somalia, ayaa waxaa soo baxayo inay Kenya xoog ku xalaalaysatay qeybo ka mid ah Dhulka Soomaalida ee Sohdinta ku beegan Degmadda Beled-xaawo.

Taliyaha Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia ee Gobalka Gedo, Yaasiin Xasan ayaa sheegay inay Kenya boobtay in ka badan labo KM oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa waxa uu tilmaamay inay dhismaha Gidaarka Kenya oo dhan 700-KM uu gudaha u soo galay xuduudka Somalia ee uu Calamka aqoonsan yahay.

“In ka badan 2 KM oo ka tirsan dhulka Somalia ayey Kenya si sharci-darro u degayaan” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dowladda Federalka ee Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka ee Mandheere ee dalka Kenya, Alex Nkoyo ayaa ku gacan-sayray inay boobayaan dhulka Somalia, wuxuuna sheegay inaysan ka soo dhaqaaqin Xuduudkii la dhisay Xilligii Gumeystaha.

Waxa uu difacaay qorshaha ay ku dhisayaan Derbiga dheer ee Xayndaabka ah, wuxuuna xusay inay ku sugayaan ammaanka xuduudkooda, si aysan u soo gudbin Alshabaab, Tahriibayaasha  ama aan looga soo gudbinin hubka fudud.

Si kastaba ha haatee, Dowladda Federalka Somalia weli kuma baraarugin qaabka Dhismaha Derbiga boqolaalka KM ee ay Kenya ka dhisayo dhulka xuduudka oo ay Somalia milkiyad u lahayd.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories