HomeWararMaraykanka oo muddo hal sanno ah ku kordhiyey Xayiraadda saaran dalka Somalia

Maraykanka oo muddo hal sanno ah ku kordhiyey Xayiraadda saaran dalka Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Hussien Obama ayaa muddo hal sanno ah ku kordhiyey Xayiraadda Maraykanka ee Somalia iyo mamnuucista Dhuxusha laga dhoofiyo Somalia. Hadal ka soo baxay Aqaalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadda dhuxusha looga dan leeyahay si aysan Xarakadda Alshabaab uga helin macaash ay ku maalgashtaan dagaalladda ay ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Hussien Obama ayaa muddo hal sanno ah ku kordhiyey Xayiraadda Maraykanka ee Somalia iyo mamnuucista Dhuxusha laga dhoofiyo Somalia.

Hadal ka soo baxay Aqaalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadda dhuxusha looga dan leeyahay si aysan Xarakadda Alshabaab uga helin macaash ay ku maalgashtaan dagaalladda ay ka wadaan Geeska Afrika.

- Advertisement -

Qoraal uu Obama u diray Hoggaamiyayaasha Sare ee Kongareeska Maraykanka ayuu ku sheegay inuu muddo hal sanno ah ku daray Cunaqabatayntii saarnayd Somalia, wuxuuna xusay in tallaabo laga qaadayo Qas-wadayaasha caqabadda ku ah deganaanshaha Somalia.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inay weli sii socdaan cabsida Khatarta Somalia ku hayso Ammaanka Qaranka iyo Siyaasadda Dibedda.

Cunaqabataynta sii socota ee halka sanno ee uu Madaxweyne Obama u ansixiyey Xaalladda Degdegga ee Qaranka Maraykanka, ayaa waxa uu markii ugu horreysay ku sheegay Khudbad uu jeediyey bishii April ee sannadkii 2010-kii.

- Advertisement -

Madaxweyne Obama waxa uu Amarkaasi ku sheegay in qaar ka mid ah Muwaadiniin iyo Hay’addo Somali ah lagu soo rogay xayiraad bishii April ee sanandkii 2010-kii,

Waxa kale oo uu  bishii July ee sannadkii 2012-kii xayiraad ku soo rogay Dhuxusha laga dhoofiyo Somalia, kadib, markii la dareemay inay wax u dhimi karaan Ammaanka, Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2013-kii aqoonsatay Dowladda Federalka Somalia oo la dhisay Bishii August ee sannadkii 2012-kii.

Dowladda Maraykanka, waxay Danjire cusub u soo magacowday Somalia bishii Feberaayo ee sannadkan 2015-ka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts