HomeWararSomali lala xiriirinayo Alshabaab oo la soo taagay Maxkamadda Sare ee Uganda

Somali lala xiriirinayo Alshabaab oo la soo taagay Maxkamadda Sare ee Uganda

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Sida galabta lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa maanta Maxkamadda Sare ee dalkaasi la soo taagay 8 dhallinyarro Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay xiriir joogto ah la lahaayeen Taliye ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo ku sugan gudaha Somalia, laguna magacaabo Aadan Mohamed. Eedeysanayaasha oo ay Boliska Uganda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida galabta lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa maanta Maxkamadda Sare ee dalkaasi la soo taagay 8 dhallinyarro Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay xiriir joogto ah la lahaayeen Taliye ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo ku sugan gudaha Somalia, laguna magacaabo Aadan Mohamed.

Eedeysanayaasha oo ay Boliska Uganda bishii September ee sannadkii hore ka soo  qabteen Deegaanka Kisenyi ee Kampala ayaa la soo bandhigay caddaymo muujinaya Codadka Telefoonadda ay kula hadli jireen Hoggaamiyaha ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu u soo diray iyo labo suumanka loo adeegsado Is-qarxinta, waa sida lagu xusay Qoraal ay Baarayaasha Boliska u soo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Uganda.

- Advertisement -

 

Qoraalka waxaa kaloo lagu soo bandhigay Telefoonka Laynka iyo Laptop Toshiba ah  oo ay Eedeysanayaashaasi kula hadli  jireen Taliyaha ka tirsan Alshabaab iyo gaari nooca Toyota Noah oo la sheegay inay ku fulin lahaayeen fal is-qarxin ah, waa sida lagu xusay qoraalka loo gudbiyey Xeer-beegtidda Maxkamadda Sare ee Uganda.

 

- Advertisement -

8-da Eedeysane ee maanta la soo taagay Maxkamadda Sare ee Uganda waxa magacyadooda lagu kala sheegay :-

 

1.    Mahamad Abdulkadir, 31,

2.    Abdi Abdullahi, 26,

3.    Hassan Abduwali, 25,

4.     Mahamed Ahmed, 23 jir,

5.    Yusuf Osman, 29 jir

6.    , Abdi Mahamed, 29 jir

7.    Abdul Kadir, 24 jir

8.     Mohamad Yusuf jir

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts