HomeWararMadaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho 27 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay magaalada Muqdisho sida arxandarada ah ugu xasuuqeen kooxaha nabad-diidka ee sida khaldan diinta Islaamka ugu gambanaya. Madaxweynaha oo magaalada […]

SOM

- Advertisement -

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Muqdisho

27 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ay magaalada Muqdisho sida arxandarada ah ugu xasuuqeen kooxaha nabad-diidka ee sida khaldan diinta Islaamka ugu gambanaya.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo magaalada Sharm El Sheikh uga qeybgalaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in argagixisada oo ku jira xaalad naf la caari iyo quus ah, ay isku dayayaan inay niyad jebiyaan shacabka Soomaaliyeed ee u soo jeestey dib u dhiska waddankooda iyo nabadeynta.

‘’Inna Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waa fal cadowtinimo oo aad u fool xun oo argagixisada ay mar kale ka geysteen caasimadda. Hotel Maka al Mukarama ma ahan goob ciidan iyo xarun dowladeed toona, waxaana tani ay daliil u tahay in argagixisada ay cadaawad u qabaan shacabka. Weerarkanna ma ahan mid cadowga uu ku joojin karo dadaalka dowladda’’.

Madaxweynaha ayaa si weyn u bogaadiyey ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed sida geesinimada leh ee ay u soo afjareen falkaasi argagixisonimo, isagoo dhinaca kalena balanqaadey in dowladda ay si degdeg ah wax ugu qaban doonto dadkii ku dhaawacmey weerarkan.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale farey ciidammada amniga inay si adag u sugaan amniga hoteelada, xarrumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah, si looga hortago weeraro kale oo cadowga ku waxyeeleynayo shacabka.

‘’Waa naga go’an tahay inaan burburino kooxahan sharta ah ee diinta ka been sheegaya ee sii baaba’aya, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan dhameystirka hawsha aan ku ciribtireyno cadowga’’, ayuu yiri madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories