HomeWararMaareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.” Nairobi, 11ka Maarso 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. James P. McAnulty, Ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo Madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa ka wada […]

- Advertisement -
MoI Logo

- Advertisement -

Maareeye: “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya.”

Nairobi, 11ka Maarso 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. James P. McAnulty, Ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo Madaxa Warbaahinta ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay marxaladda dalku marayo iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka iyo qorsheyaasha Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Mareykanka waxey horumarinayaan warbaahinta Soomaaliya. Waxaana ku faraxsanahay in kulankeena uu ahaa mid muhiim u ah warbaahinta dalka oo ay ku jiraan warbaahinta madaxa-bannaan.”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ku fasaxsan yihiin horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameynayso dawladda Soomaaliya iyo in ay ka go’antahay sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo horumar ballaaran ka sameeya dhan walba, tanoo ah mid Mareykanka iyo caalamkaba dan u wada ah.

Wasiir Maareeye ayaa maalmahan waday dadaalo lagu horumarinayo warbaahinta dalka, isla markaasna dib u eegis ku sameynayey qorshaha iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka. Arrimaha u qorsheysan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah tayeynta warbaahinta dalka, wacyigelinta bulshada, isku xirka bulshada iyo Dowladda iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah, si shacabka ay aayahooda uga tashadaaan.

- Advertisement -

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so

US Embassy1

US Embassy

US Embassy2

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts