HomeWararMaxkamad diiday inay joojiso dacwad ka dhan ah Jen Maxamed Cali Samatar

Maxkamad diiday inay joojiso dacwad ka dhan ah Jen Maxamed Cali Samatar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Warbixin lagu daabacay wakaalada wararka ee Reuters ayaa  sheegeysa in Maxkamad ku taala dalka Mareykanka, ay diiday in ay joojiso, dacwad ka dhan ah Jeneral Mohamed Ali Samatar,oo horay dalka soomaaliya ugu soo qabtay xillal kala duwan. Mohamed Ali Samatar, ayaa waxaa uu dalka soomaaliya kasoo noqday wasiirkii Gaashaandhiga sanadadii 1980-kii isagoona sidoo kale Raiisul […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbixin lagu daabacay wakaalada wararka ee Reuters ayaa  sheegeysa in Maxkamad ku taala dalka Mareykanka, ay diiday in ay joojiso, dacwad ka dhan ah Jeneral Mohamed Ali Samatar,oo horay dalka soomaaliya ugu soo qabtay xillal kala duwan.

Mohamed Ali Samatar, ayaa waxaa uu dalka soomaaliya kasoo noqday wasiirkii Gaashaandhiga sanadadii 1980-kii isagoona sidoo kale Raiisul Wasaare soomaaliya uu ka noqday intii udhexeysay sanadadii 1987 ilaa 1990.

- Advertisement -

Dacwadda Jeneral Mohamed Ali Samatar, ayaa waxaa lagu sheegay jir-dil uu mas’uul ka ahaa xilliyadii, uu dalka ka ahaa wasiirkii difaaca iyo Risal’wasaare.

Dacwadda loo heysto, Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa Maxkamad ugudbiyay dad sheegay inuu ka dambeeyay xad-gudubyo loo geystay dad ehelladoda ka mid ah intiii ay jirtay dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya.

Jen. Maxamed Cali Samatar oo 77-jir ah ayaa haatan ku nool Virginia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Maamulka Obama, ayaa waxaa ay dhawaan maxkamada ay ku booriyeen in aaney dhegeysan kiiska Jeneralka.

Kiiskaan loo heysto Jeneralka, ayaa waxaa ay soo jiitameysay mudooyin aad u farabadan, waxaana hada ka hor maxkamad ay sheegtay in dib loo dhigayo qaadista dacwada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts